Xukuumadda Somaliland Oo ganaax adag dul-dhigtay Labadii Telefishan Ee Universal iyo Star Oo dhawaan la xayiray.
Gebo Gebo News

August 10th, 2020
Xukuumadda Somaliland Oo ganaax adag dul-dhigtay Labadii Telefishan Ee Universal iyo Star Oo dhawaan la xayiray.

Hargeysa)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Md. Mukhtaar Maxamed Cali ayaa soo saaray qoraal la xidhiidha ganaaxa lagu khasiray labadaas TV, Waxaanu u qornaa sidan:-

 

“Markii aanu dhagaysanay dacwadda ay qabaan muuq-baahiyaasha Universal TV iyo Star TV.

Markii aanu dhagaysanay aqoonyahanka iyo waxgaradka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii aanu aragnay Qaraarka Maxkamadda sare ee tixraaciisu yahay Tix: MS.I.18/2020. Qaraarkii Maxkamadda qodobka 1 aad iyo qodobka 2aad oo odhanaya sidan:

Waxay qaraarisay in Rafcaanlayashu ay cabashadooda ku aadan go’aanada kala ah WWDH&W/XW/58/06/2020 iyo WWDH&W/XW/377/06/2020, u gudbiyaan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL si ay dib u eegis ugu samayso.
Waxaa sidoo kale la farayaa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL, in ay dib u eegis ku samayso go’aanadeeda arrintan ku saabsan.
Markii aanu ogaanay in dhalinyarro badan oo muwaadiniin reer Somaliland ahi ka shaqaystaan xafiisyada Telefishannadan.

Markii aanu wasaarad ahaan shir buuxa oo loo dhan yahay kaga arinsanay dacwadan,

Waxaanu go’aaminay in aanu ganaaxno laba muuqbaahiye ee kala ah Universal Tv waxaa lagu ganaaxay lacag dhan $15,000. Halka Star Tv lagu ganaaxay lacag dhan $5000. Lacagtaasna waxaa lagu shubi doonaa qasnada dawladda dhexe waxa aad keeni doontaan jiwanka lacag qabashada (RV) Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta.

F.G. Waxaanay labada muuqbaahiyeba u soo diyaar garoobi doonaan heshiis cusub oo ay la gasho Wasaaradda Warfaafinta.”




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES