Muxuu yahay cudurka ‘ay basasha sababtay’ ee ka dillaacay Mareykanka?
Gebo Gebo News

August 12th, 2020
Muxuu yahay cudurka ‘ay basasha sababtay’ ee ka dillaacay Mareykanka?

Bakhaarrada raashinka iyo khudaarta laga iibsado ee dalka Mareykanka ayaa dib suuqyada uga saaraya basashii ay horay usoo galiyeen, kaddib markii ay soo baxday cabsi ku saabsan in basashaas ay sababtay cudurka salmonella oo ay ilaa hadda la xanuunsadeen in ka badan 600 oo qof.

1-dii bishii August, bakhaarka lagu magacaabo Thomson International ayaa dalbaday in dib loogu soo celiyo bashasha guduudan, tan jaallaha ah iyo midda cad ee uu suuqyada 50-ka gobol ee Mareykanka iyo Canada soo galiyay tan iyo 1-dii bishii May.

Kiisaska cudurka Salmonella, oo ah xanuun ay sababto bakteeriyada, ayaa laga soo tabiyay 43 gobol oo ka tirsan Mareykanka iyo sidoo kale Canada.

Salmonella ayaa qofka u keeni kara shuban, qandho iyo murqo xanuun. Carruurta iyo dadka waayeelka ah ayaa aad ula xanuunsada cudurkan.

Waxaa suuragal ah in basal cudurka wadata laga iibiyay dukaamada jumlada bixiya, makhaayadaha iyo sidoo kale dukaamada tafaariiqda, sida ay sheegtay waaxda maamusha cuntada iyo dawooyinka ee dalka Mareykanka (FDA).

Bakhaarrada ugu waaweyn Mareykanka, oo ay ka mid yihiin Walmart, Kroger, Food Lion, Publix iyo Giant Eagle ayaa soo saaray codsiyo ay ku dalbanayaan in dib loogu soo celiyo basasha ama cuntooyin laga diyaariyay – sida ansalaatada iyo waxyaabo la mid ah – kuwaasoo la sheegay inay ka mid yihiin raashinka sumeysan ee cudurka wata.

Maalintii Isniinta, Bakhaarrada lagu kala magacaabo Trader Joe’s iyo Ralph, oo ku yaalla Xeebaha Galbeed ayaa sidoo kale billaabay inay basasha dib usoo ceshtaan.

Saraakiisha caafimaadka ee Canada ayaa xaqiijiyay kiisas ka badan 200 oo cudurka Salmonella, waxaana xanuunka lala xiriiriysay basasha looga soo dhoofiyay dhinaca Mareykanka.

Basasha ka baxday gudaha Canada ayaa la sheegay inaysan wax dhibaato ah qabin.

Red onion

Sida laga soo xigtay waaxda xakameynta cudurrada ee Mareykanka (CDC), 85 qof ayaa isbitaallada loo dhigay cudurka salmonella, ilaa 7-dii bishan August.

Calaamadaha cudurka Salmonella ayaa dadka uu ku dhaco kasoo muuqda lix saacadood ilaa lix maalmood gudahood.

Inta badan dadka ayaa ka caafimaada iyagoo aan la daweynin, muddo afar ilaa toddobo maalmood gudahood ah. Laakiin qaar ka mid ah kiisaska daran lagu arko in bakteeriyada ay u gudubto qeybaha kale ee jirka.

“Carruurta ay da’dooda ka yar tahay shan sano, waayeelka ka weyn 65 sano iyo dadka uu difaaca jidhkoodu liito ayaa halis ugu jira inay aad ula xanuunsadaan,” ayey tidhi waaxda CDC.

Laamaha caafimaadka dadweynaha ee Mareyksanka iyo Canada ayaa baadhitaan ku billaabay waxa uu salka ku hayo cudurkan.

Saraakiisha caafimaadka ayaa shacabka kula taliyay inay qashinka ku daraan dhammaan basasha guryahooda taalla, haddii aysan hubin meesha ay ka keeneen.

Xitaa cuntada la kariyay ee basashaas ay ku jirto ayaa sababi karta in bakteeriyada ay sii fiddo. Waxay bakteeriyada ku hadhi kartaa wax kasta oo jikada yaalla dushooda.

Waxaa dadweynaha lgu boorriyay inay iska nadiifiyaan wax kasta oo ay cudurkaas kasii qaadi karaan.




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES