jilaaga Caanka Ah EE Sanjay Dutt laga helay cudurka kansarka + Waa Sidee Xaaladiisa Caafimaad.
Gebo Gebo News

August 12th, 2020
jilaaga Caanka Ah EE Sanjay Dutt  laga helay cudurka kansarka + Waa Sidee Xaaladiisa Caafimaad.

Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Hollywoodka iyo dalka Hindiya, Sanjay Dutt, ayaa isbuucan laga helay kansarka ku dhaca sambabbada, kaasoo gaaray heerka afaraad.

Sanjay ayaa Sabtidii loola cararay isbitaalka Lilavati kaddib markii uu ka cawday inay neefsashada dhibeyso, waxaana laga soo saaray labo maalmood kaddib.

Ilo ay soo xigteen qaar ka mid ah warbaahinta Hindiya – oo ay ka mid yihiin wargeysyada India Times iyo Hindustan Times – ayaa sheegay in heerka neefsashada gudaha ee Sanjay Dutt uu u dhaxeeyay 90-92%, markii isbitaalka la dhigayay.

Waxaa laga baadhay cudurka Covid-19, laakiin natiijadii soo baxday waxay sheegtay inuusan qabin fayraska. Markii dambena waxaa lasoo tabiyay in jilaaga uu culeys gudaha ah ka dareemay xabadka.

Maadaama laga waayay coronavirus, dhakhaatiirta ayaa ka baaray cudurka kansarka, kaasoo ugu dambeyntiina laga helay, sida ay warbaahinta shaaciyeen.

Hase yeeshee, dhaktarka daweynaya atooraha, oo lagu magacaabo Dr Jalil Parker, ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo ama beeniyo warkaas, isagoo cuskanaya arrimaha la xiriira qarinta sirta bukaanka.

Ciyaartoyga Cricket-ka, Yuvraj Singh, oo horay ugu guuleystay dagaalka uu la galay kansarka sambabbada dhowr sano ka hor, ayaa farriin rajo ah u diray Sanjay Dutt.

“Waxaad tahay, siina ahaan doontaa dagaalyahan @duttsanjay. Waan garanayaa xanuunka uu cudurkan leeyahay laakiin waxaan sidoo kale garanayaa inaad tahay qof awood badan oo wajihi kara xaaladaha adag. Waxaan kuugu duceynayaa, kuuna rajeynayaa inaad deg deg u caafimaaddid,” ayuu Yuvraj kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Maalintii Talaadada, Sanjay wuxuu ku dhawaaqay inuu ‘nasiino gaaban’ gaaban ka qaadanayo shaqooyinkiisa, si ‘loo daweeyo’, wuxuuna taageerayaashiisa ka codsaday inaysan wararkiisa ka dhigin ku tidhi ku teen la isla dhexmaro meel kasta.

Bogga uu Twitter-ka ku leeyahay ayuu soo dhigay warqad uu ku shaaciyay tallaabada uu qaaday markii cudurka laga helay kaddib.

Ka bood Twitter boggan, 2

Macluumaadkan lama heli karo

Faahfaahin ka eeg TwitterBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.

Dhammaadka Twitter boggan, 2

“Haye Saaxiibayaal, waxaan nasiibo gaaban ka qaadanayaa shaqada si aan dawooyin u qaato. Qoyskeyga iyo saaxiibbadey ayaa i garab taagan, waxaana dadka samaha ila jecel ku boorrinayaa inaysan walwalin ama aysan isla dhex marin warar aan loo baahneyn. Jaceylkiinna iyo wanaagga aad ii rajeyneysaan awgood, durba waan soo laaban doonaa!”

Sanjay hadda da'diisu waa 61 sano

Qoraalka sawirka,Sanjay hadda da’diisu waa 61 sano

Sanjay wuxuu marka xiga kasoo muuqan doonaa Sadak 2, kaasoo sida la qorsheeyay toos looga sii deyn doono dhinaca Internet-ka, gaar ahaan bogga Disney+ Hotstar, marka ay taariikhdu tahay 28-ka bishan August.

Xilligaas kaddibna, wuxuu jili doonaa filimka Bhuj: The Pride of India, kaasoo isagana sidoo kale laga sii deyn doono bogga online-ka ah ee Disney+ Hotstar.




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES