Madaxweyne Biixi Oo Maanta Maxkamadda Sare U Gudbinaya Dalab Uu Ku Wadiisanayo Inay Go’aan Ka Soo Saarto Qabsoomidda Doorashada
Gebo Gebo News

August 15th, 2020
Madaxweyne Biixi Oo Maanta Maxkamadda Sare U Gudbinaya Dalab Uu Ku Wadiisanayo Inay Go’aan Ka Soo Saarto Qabsoomidda Doorashada

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu Sabtida Maanta Maxkamadda sare u gudbiyo Dalab uu ku waydiisanayo inay soo saarto Go’aan suurto-gelin kara in qabsoomidda doorashada Golaha Wakiillada.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa loo sheegay in Madaxweynuhu uu Maanta ahaan Maxkamadda u gudbinayo dalabkiisa ah inay soo saarto Go’aan ah in doorashada Golaha Wakiillada lagu galo sidii hore.

Warka ah in Madaxweynuhu uu Maxkamadda sare u gudbinayo Codsi la xidhiidha doorashada ayaa soo baxay, Maalin ka dib markii shirkii Golaha Wasiirrada ee Khamiistii lagu ansixiyey in Maxkamadda sare loo gudbiyo inay go’aan ka soo saarto Arrimaha doorashada.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli Shacabka Reer Awdal ay dalbanayaan in la sameeyo Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada, haddii kale aanay suurto-gal ahayn inay deegaannadooda Doorashadu ka dhacdo.

Dhammaadkii Toddobaadkii hore ayaa Go’aamo ka soo baxay Shir Boorama uga socday Hal-doorka Bulshada Awdal waxay Beesha Caalamka ugu baaqeen in aanay dhaqaale ku bixin doorasho aan heshiis lagu ahayn.




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES