“Dhakhtar Kasta Oo Ajaanib Ah Oo Dalka Ka Shaqeeya, Aqoontiisa Waanu Ka War Hayna ” Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland
Gebo Gebo News

September 12th, 2020
“Dhakhtar Kasta Oo Ajaanib Ah Oo Dalka Ka Shaqeeya, Aqoontiisa Waanu Ka War Hayna ” Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland

Hargeysa(Gebogebonews)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa ka hadashay Dhakhaatiirta Ajaanibka ah ee dalka ka hawl-gasha, doorka ay Wasaarad ahaan ka qaateen xakamaynta xanuunka Covid 19 iyo abaalmarin lagu maamusay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay abaalmarin Wasaaradooda lagu maamusay ayaa yidhi “Wasaarad Caafimaad ahaan dedaalka aanu samaynay, nidaamka iyo qorshaha fiican ee aanu hormoodka ugu noqonay Xisaab celinta, Cashuuraha iyo qorshaha xeesha dheer ee aanu la nimid ayaa keentay in aanu kaalinta koowaad u galno Wasaaradaha oo waliba abaalmarin la nagu maamuso, waxaana abaalmarintan oo ah Shahaado sharaf ka turjumaysa wax qabadkayaga na gudoonsiiyey Wasaaradda Maaliyadda, markaas dedaalka halkaas ayaanu ka sii wadaynaa, waxaana kale oo Wasaaradaha kala iyo Hay’addaha dawliga ah ee kaleba kula talinayaa inay qaadaan talaabooyinka aanu qaadnay”.

Mar uu ka hadlayey Dhakhaatiirta ajaanibka ah ee dalka ku sugan ayaa yidhi “Dhakhtaro badan oo ajaanib ah ayaa dalkan ku sugan oo ka shaqeeya, Dhakhtaartii waanu eegnay Shahaadooyinkooda iyo aqoontoodaba, markaas Dhakhtar ajaanib ah oo aanan ka war hayn oo dalka ku sugan umaddana u shaqeeyaa ma jiro oo Dhakhtar walba aqoontiisa waanu ka war haynaa, iskaba daa Dhakhtar aan dalka u dhalan, ee xittaa Dhakhtarada dalka u dhashay ayaanu aqoontooda ka war haynaa”.

Mar uu ka hadlayey Xanuunka Covid_19 ayaa yidhi “Xanuunka Koronaha waa Xanuun halis ah oo dad badan oo daafaha dunida ku kala noolaa sababtiisa u dhinteen, laakiin dadkeena waxaan uga mahadnaqayaa qaabka ay u qaateen Wacyigelintiii aanu sida joogta ah ahayd ugu sii deyn jirnay, Dawlad ahaana si fiican ayeynu u xakaymaynay, laakiin waxaan dadka ku dhiirigelinayaa inay aad isku ilaaliyaan, taxadir aad u badana muujiyaan”




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES