Qabiil, Ku Takri Falka Awoodda Dowladda Iyo Kala Xigsiga Muwaadiniinta…” Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Gebo Gebo News

September 13th, 2020
Qabiil, Ku Takri Falka Awoodda Dowladda Iyo Kala Xigsiga Muwaadiniinta…” Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah madaxda dowlada federalka inay ku kaceen eex qabiil iyo ku takri fal awoodeed.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu Cabdiramaan Cabdishakur waxa uu ku sheegay in mas’uuliyiin ka mid ah madaxda dowlada ay si gaar ah u beegsanayaan shaqaalaha iyo saraakiil ka tirsan ciidamada kuwaasoo ka soo jeeda caasimada dalka ee Muqdisho.

Qoraalka ayaa waxaa lagu eedeeyay madax ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Raysalwasaare ku xigeenka iyo taliyaha Nabadsugidda inay magacaabis xilal qaraabo kiil ah ay ku kaceen.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo saaray Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir.

Dhallinyaro isugu jira saraakiil ciidan, shaqaale rayid ah iyo hay’adaha garsoorka ayaa cabashadooda si is daba joog ah ii soo gaaraysay. Dhalinyaradan oo rag iyo dumarba leh ayaa u badan kuwo ka soo jeeda beelaha deegaanka Muqdisho, iyadoo xil ka qaadis iyo shaqo joojin lagu sameeyey faquuq hayb qabiil ah. Waxaa dhinaca kale si xawli ah u socda magacaabis xilal qaraabo kiil ah, taasoo ay wadaan Madaxweynaha, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Raysalwasaare ku xigeenka iyo taliyaha Nabadsugidda (TN).

Waxaan canbaaraynaynaa eexda qabiil, ku takri falka awoodda Dowladda iyo kala xigsiga muwaadiniinta. Waxaan madaxweynaha iyo masuuliyiinta kalaba ceeb ku ah in ay kala xigsadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuna kacaan eexdii iyo cadaalad daradii dawladii dumisay.

Waxaa muuqata dabeecadihii lagu yaqiinay rajiim gabalkiisu dhacayo ee ahayd ha aaminin cid aan wiilkaada iyo walaalkaa ahayn.




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES