Taliyaha Booliska Oo Beeniyey Warar Lagu Sheegay In Ciidanku Qabteen Rag Laga Shakiyay Iyo Hub
Gebo Gebo News

September 13th, 2020
Taliyaha Booliska Oo Beeniyey Warar Lagu Sheegay In Ciidanku Qabteen Rag Laga Shakiyay Iyo Hub

Hargeysa(Gebogebonews)-Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland S/G Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagalle) ayaa been-abuur ku tilmaamay warar lagu sheegay in ciidanka booliisku gacanta ku dhigeen rag laga shakiyey iyo hub, isla markaana digniin u jeediyey dadka caadaystay  faafintooda. War lagu sheegay inuu ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Somaliland, oo si weyn baraha bulshada sida Facebook u dhexmarayey maanta , una dhignaa “Ciidamadda ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 48 saacadood ee la soo dhaafay qabtay 13 qof oo looga shakisanyahay inay maleegayeen weeraro argagixiso oo xidhiidh ah oo lala beegsanaayay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Booliiska ayaa sidoo kale qabtay hub iyo walxaha qarxa, ciidamadda amaanku waxay sidoo kale ku daba jiraan xubno kale oo  loo tuhmayo in falkani ay lug ku lahaayeen.” ayuu gebi ahaanba Taliyaha Booliiska S/G Maxamed Adan Saqadhi ku tilmaamay kuwo been ah, mar weriye Maxamuud Walaaleye, oo Wargeysyadda Dawan ah khadka telefoonka wax kaga weydiiyeey jiritaankooda.

 

 

 

 

 

Taliye Maxamed ayaa bulshada uga digay  faafinta warar malo-awaal ah oo la xidhiidha Ciidanka “Bulshada Somaliland waxaan uga digayaa faafinta warar xaqiiqada ka fog oo la xidhiidha Ciidanka Booliiska, mana jiro tacsi Taliyaha Booliisku diray, isla markaana waxaanan u sheegayaa inaan dhowaan la wadaagi doono bogga rasmiga Ciidanka Booliiska JSL oo shirkada Facebook xaqiijisay.” ayuu yidhi taliye Daba-gale.




Features

  • Ma Jiro Shacabkii I Doortay Ayaan U Shaqaynaya…” Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo U Jawaabay Wasiir Saajin
  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
More FEATURES