Madaxweyne Biixi Oo Ka Qeyb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Suldaan Cismaan Cali kooshin Oo Maanta Dalka La Keenay
Gebo Gebo News

September 14th, 2020
Madaxweyne Biixi Oo Ka Qeyb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Suldaan Cismaan Cali kooshin Oo Maanta Dalka La Keenay

Hargeysa(Gebogebonews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeyb galay Aas qaran oo loo sameeyey Alle how naxariistee Suldaan guud Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin oo lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee Magaalada Hargeysa, Aaskan loo Sameeyey Alle haw naxariistee Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin waxaa kasoo qeyb-galay bulshada qeybaheeda kala duwan, oo ay ka mi ahaayeen badi Madaxda dhaqanka, Siyaasiyiin, Xildhibaano, Haldoor iyo aqoonyahan, kuwaasi oo dhammaantood ba tacsi u diray Suldaanka guud Marxuum Suldaan Cismaan suldaan Cali Kooshin waxaana ay ka marag kaceen dhamaantood inuu ahaa Suldaan Samo-talis ah.

 

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay madasha tacsida ayaa ka sheekeeyey qiimaha uu lahaa Marxuum Suldaan Cismaan suldaan Cali waxaana uu yidhi “Waxaynu joognaa tacsidii Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin, Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, Ilaahay qabriga haw nuuro Ilaahay isaga iyo wixii muslimiin ah ee ka horeeyeyba Jannatul fardowsa ha geeyo, innagana Ilaahay haynooga daba naxariisto,waxaan ka tacsiyadaynayaa dhammaan qaranka Somaliland iyo inta Af-Somaliga ku hadashaba Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin oo cid waliba inta badan macagiisa maqashay oo aad iyo aad loo garanaayo oo ka dhashay qoys Maal-qabeen ahaa marka hore marka labaadna Suldaan ahaa oo boqortooyo noqday, marka danbena ahaa aqoonyahan la wada ogyahay oo isagoo aqoonyahan ahaa Suldaanimada lagu caleemo saaray oo dhaxalku u keenay”.

 

 

 

Madaxweynaha Qaranka ayaa sheegay in qofka yaqaanay Suldaan Cismaan uu ku yaqaanay aqoon iyo dhaqan gobeed “Qofkastoo yaqaanay wuxuu ku yaqaanay aqoon, edeb, dhaqan gobeed iyo isagoo ninka ay isbartaana aanu ka xiiso goyn, maantay ajashiisii dhammaatay, Ilaahay waxaan uga rajaynaynaa inuu qoyskii uu ka baxay iyo halkiisii uu cawil kheyr qaba uu dhigo, inankiisii baa jooga oo isuguna halkii Suldaanka ka qaaday Suldaan Cali Suldaan Cismaan Suldaan Cali Kooshin oo inala jooga maanta, isagana waxaan ugu ducaynaynaa Idankii inuu ka dhigo raas balaadhan oo barwaaqo ah oo tallo iyo adduunba halkii kasii wada Saldanadii reer Cali Kooshin, dalka iyo dadkaba Alle haynoo barakeeyo”.

 

 




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES