Madaxweyne Trump Oo Cafis U Fidinaya Sarkaal Baxsad Ah Oo Sabab U Noqday In La Xidho Dad Soomaali Ah
Gebo Gebo News

September 14th, 2020
Madaxweyne Trump Oo Cafis U Fidinaya Sarkaal Baxsad Ah Oo Sabab U Noqday In La Xidho Dad Soomaali Ah

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa laga yaabaa inuu cafis u fidiyo sarkaal baxsad ah oo sabab u noqday in xabsi la dhigo afar qof oo kasoo jeeda Soomaali ah.

 

 

Warbaahinta maxaliga ah ee Mareykanka ayaa warisay inay suurto-gal tahay cafis loo fidiyo Edward Snowden oo dhexda kaga jiray kiis qabsaday hadal heynta waddanka mareyknaka sannadkii 2013.

 

 

 

Donald Trump wuxuu difaacay Snowden, wuxuuna shaaca ka qaaday in dib loo eegi doono, taasoo loo fasirtay inuu gogol xaadhanaayo cafis uu u fidiyo.

 

 

 

“Waan maqlay in dad badan ay ii arkaan inaanan cadaalad sameyn, dadna waxey u arkaan inaan wax fiican sameeyay, marka si wanaagsan ayaan ula macaamilaynaa,” ayuu yidhi.

 

 

Edward Snowden ayaa isaga cararay waddanka Mareykanka kadib markii uu soo bandhigay cidda sababtay in xagjirnimo iyo Al-Shabaabnimo loo maxkamadeeyo afar nin oo Soomaali ah.

 

 

 

Basaaly Saeed, Ahmed Nasir Tahliil Mohamud, Mohamed Mohamud iyo Issa Doreh oo ku noolaa magaalada San Diego ayaa la xidhay.

Hay’adaha Sirdoonka Mareykanka waxey sheegeen in sarkaalkaan uu ogolaansho la’aan qabtay shaqadaan.

Dhawaan ayey aheyd markii maxkamad federaal ah ay xukuntay in Snowden uu sharci darro sameeyay, balse ayna wax saameyn ah ku laheyn go’aankii lagu xidhay soomaalida dambiga lagu soo oogay.




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES