Magacyada Qaar Kamid Ah Siyaasiyiinta Aan Ka Qayb-gelayn Shir weynaha KULMIYE Iyo Xubnaha La Filayo In Gabi Ahaanba Laga Saaro Xisbigaasi.
Gebo Gebo News

September 14th, 2020
Magacyada Qaar Kamid Ah Siyaasiyiinta Aan Ka Qayb-gelayn Shir weynaha KULMIYE Iyo Xubnaha La Filayo In Gabi Ahaanba Laga Saaro Xisbigaasi.

Hargeysa(Gebogebonews)-Iyadoo muddo laba toddoobaad ku siman oo keli ahi ay ka hadhsantahay wakhti loo asteeyey inuu Magaalada Hargeysa ka furmo shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE, ayaa waxa isa soo taraya siyaasiyiinta ka tirsan Xisbigaas ee saluugsan shirkaas, kuwaas oo sheegay in aanay ka qayb-geli doonnin shirkaas.

 

 

Shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE ee la filayo inuu dhawaan ka qabsoomo Magaalada Hargeya ayaa waxa ka biyo diiday ka qayb-galkiisa Siyaasiyiin xilal kale duwan ka soo qaybtay Xukuumaddii horre ee KULMIYE, isla markaana door weyn kasoo qaatay dhismihii Madaxweyne Biixi, waxaanay shirkaas ku tilmaameen qaarkood inuu yahay mid u afduuban Madaxweyne Biixi iyo koox gaar ah,halka ay qaarkoodna qaadayaan afkiibaa juuqda gabay

 

 

 

Haddaba waxa kamid ah xubnaha qaadacay shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE inay ka qayb-galaan ilaa hadda saddex masuul oo xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumaddii hore ee KULMIYE ,waxaana kamid ah Ex Wasiir Dawle Axmed Cali Baynax iyo Wasiirkii horre Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahin Qabo iyo ex Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, kuwaas oo kamid ah xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, ayaa iyagu si toos ah u qaadacay inay ka qayb-galaan Shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE ,waxaanay siyaabo kale duwan u dhaliileen shirkaas iyo hoggaanka Xisbiga KULMIYE

 

 

 

Docda Kalene warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in aanay iyana shirkaas afraad ee Xisbiga KULMIYE aaanay ka qayb-geli doonin xubno uu kamid yahay Cali Mareexaan, Ex Wasiir Xaglatoosiye, ex Wasiir Caddaani iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE ,kuwaas oo iyana ka biyo diidsan shirkaas,waxaana la filayaa in aanay ka soo muuqan doonnin shirkaas ,balse ilaa hadda si dhab ah looma oga sababtay ay uga maagayaan ka qayb-galka shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE

 

 

 

Geesta kalane warar hoose oo aannu ka helayno illo wareedyo u dhuun daloola xaaladaha Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ay qorshaynayaan inay Xisbiga ka caydhiyaan saddex masuul,kuwaas oo kala ah Siyaasi Maxamuud Xaashi, Siyaasi Qabo iyo Siyaasi Axmed Cali Baynax ,balse ma jiro ilaa hadda wax war ah oo amuurtan ku saabsan oo rasmi ah oo ka soo baxay Xisbiga KULMIYE, marka laga yimaado xoggahaasi aanu helayno. Maalmaha soo socday ayaa la kala ogaan doonaa raga saaxadda KULMIYE ka baxa.




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES