Farmaajo Oo Khadka Taleefanka Kula Xidhiidhay Raysal Wasaaraha Dalka Suudaan.
Gebo Gebo News

September 15th, 2020
Farmaajo Oo Khadka Taleefanka Kula Xidhiidhay Raysal Wasaaraha Dalka Suudaan.

Khartoum(Gebogebonews)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula xidhiidhay raysal wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk, iyagoo ka wada hadlay xaaladaha labada wadan, gaar ahaan fatahaadaha Suudaan.

 

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay shacabka iyo dowladda Suudaan khasaaraha ka dhashay fataahadaha ku dhuftay dalkaas kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

 

 

Raysal wasaare Cabdalla Xamdook ayaa uga mahadceliyey madaxweyne Farmaajo sida uu ula qaybsaday dhibaatadooda, isagoo sheegay in muwaadiniinta Suudaan ee ku dhaqan Soomaaliya laga dhaafay kharashaadka deganaanshaha iyo wixii ganaaxyo ah ee la xidhiidha.

 

 

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan ganacsatada iyo shacabka Soomaaliya in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan walaalahooda dalka Suudan.




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES