Amiirkii Kuwait Sheikh Sabah Al Ahmad Oo Geeriyooday
Gebo Gebo News

September 30th, 2020
Amiirkii Kuwait Sheikh Sabah Al Ahmad Oo Geeriyooday

Amiirkii muddada dheer xukumayey dalka Kuwait Sheikh Sabah Al Ahmad Al Sabah, ayaa maanta geeriyooday isaga oo 91 jir ah, waxaa sidaas sheegay taleefishinka dowladda.

“Ayada oo murugo weyn ay tahay, waxaan la tiraanyooneynaa dhimashada Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, amiirkii dalka Kuwait,” waxaa sidaas yidhi Sheikh Ali Jarrah Al-Sabah, oo ah wasiirka arrimaha boqortooyada, oo la hadlay taleefishinka dowladda.

Sheikh Sabah ayaa waxaa laguu xusuusan doonaa diblomaasiyaddiisa siyaasadda Bariga Dhexe ee uu isku dayey inuu ku xaliyo khilaafka u dhaxeeya Qatar iyo dowladdo kale oo Carbeed, oo ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Sheikh Sabah ayaa waxaa lagu wadaa inuu beddelo walaalkii, ahna dhaxal-sugaha Sheikh Nawaf Al Ahmad Al Sabah.

Sheikh Sabah ayaa ahaa 91 sano ah jir. Waxaa la keenay dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Rochester ee gobolka Minnesota bishii July kadib markii mas’uuliyiinta dalkaasi ay sheegeen inuu xanunsanayo.

Ka hor inta aanu noqonin Amiirka waxa uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi muddo ka badan 40 sanno.




Features

  • Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Soo Dhaweyn Ballaadhan Loogu Sameeyey gobolka Daad-madheedh iyo Deegaanno ku Teedsan
  • Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Shaaciyey Tartan Loo Gelyo Goobo Waxbasho Oo Laga Dhisaayo Gobolada Dalka.
  • Daawo:Wasiirka Waxbashada Somaliland Oo Hanjabaad Udiray Dad U sheegay Inay Sifo Qaldan Lacago Uga Urursadan Dhalinyarada.
  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
More FEATURES