Dood Kulul Oo Dhex-martay Trump Iyo Biden
Gebo Gebo News

September 30th, 2020
Dood Kulul Oo Dhex-martay Trump Iyo Biden

Waxaa goor dhawayd la soo geba-gabeeyay dooddii ugu horreysay doodo saddex ah, oo ay tahay inay yeeshaan Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Musharaxa Madaxtinimada ee Xisbiga Dimoqraadiga, Joe Biden, ka hor doorashada bisha November.

Doodda oo qaadatay 90 daqiiqo, laguna qabtay Magaalada Cleveland ee Gobolka Ohio ayaa taabaneysay doorashada 3-da bisha November ee lagu wado inay ku loolamaan Donald Trump iyo Joe Biden.

Doodda ayaa waxaa ka qaybgalay 100 qof oo keliya, sababo ku aadan xakameynta iyo ka hortagga xanuunka COVID-19, balse illaa boqol milyan oo qof ayaa kala socotay shaashadaha dalkaasi.

15-kii daqiiqo ee ugu horeysay ayayba dooddu ku bilaabatay xasarad iyo buuq, iyadoo midba midka kale ay adkeyd inuu fursad u siiso kan kale, si uu doodiisu u sii wato.

Wariyihii dhexdhexaadinayay ayaa la arkaayay isagoo soo kala dhex gelaaya, iskuna deyaaya bal inuu xakameeyo doodda, si aanay farihiisa uga bixin.

Intii ay dooddu socotay ayay labada dhinac buuq iyo sawaxan abuurayeen, iyadoo ay dooddu ku saleysneyd illaa 6 qodob, oo qodobkiiba laga doodaayay 15 daqiiqo.

Doodaan ayaa la qabtay, xilli Joe Biden uu ra’yi uruurinta dadweynaha ku horreeyo muddo toddobaadyo ah.

Haddii Madaxweyne Trump lagaga adkaado doorashada 3-da November waxa uu noqonaya Madaxweynihii 3-aad ee ku guuldarreysto in dib loo soo doorto, afartankii sanno ee la soo dhaafay.




Features

  • Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Soo Dhaweyn Ballaadhan Loogu Sameeyey gobolka Daad-madheedh iyo Deegaanno ku Teedsan
  • Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Shaaciyey Tartan Loo Gelyo Goobo Waxbasho Oo Laga Dhisaayo Gobolada Dalka.
  • Daawo:Wasiirka Waxbashada Somaliland Oo Hanjabaad Udiray Dad U sheegay Inay Sifo Qaldan Lacago Uga Urursadan Dhalinyarada.
  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
More FEATURES