ITOOBIYA Oo Xabsi Dhigtay Xubno Ka Tirsan Xisbiga Abiy Ahmed
Gebo Gebo News

September 30th, 2020
ITOOBIYA Oo Xabsi Dhigtay Xubno Ka Tirsan Xisbiga Abiy Ahmed

Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabtay xubno badan oo ka tirsan xisbiga PP ee haya tallada dalkaas ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, kadib markii lagu eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin dagaal beeleed dhawaan dhacay.

Hay’adaha amniga dalka Itoobiya ayaa xabsiga dhigay 45 xubnood oo loo haysto inay gacan weyn ka geysteen dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Benishangul Gumuz.

Hoggaanka Xisbiga PP ayaa xaqiijiyey in 10 kamid ah xubnahaasi la xidhay la horgeeyay maxkamad.

Sidoo kale, waxa xiisadda dagaalkaasi xilkii lagaga qaaday Taliyihii ciidammada gaarka ahaa, Wogari Polino iyo Taliyaha booliska deegaankaasi, Nega Jara.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaaladaasi oo socday maalmo ay ku naf waayeen ugu yaraan 100 qof, halka ay ku barakaceen kumanaan kale.

Dagaal beeleedyadaasi ayaa u dhaxeeya qowmiyadaha Amxaarada iyo Agaw oo intooda badan shaqa u tagay deegaankaasi Benishaangul-Gumuz, oo ah midka ay hadda xiisada u xoogani ka taagan tahay.




Features

  • Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Soo Dhaweyn Ballaadhan Loogu Sameeyey gobolka Daad-madheedh iyo Deegaanno ku Teedsan
  • Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Shaaciyey Tartan Loo Gelyo Goobo Waxbasho Oo Laga Dhisaayo Gobolada Dalka.
  • Daawo:Wasiirka Waxbashada Somaliland Oo Hanjabaad Udiray Dad U sheegay Inay Sifo Qaldan Lacago Uga Urursadan Dhalinyarada.
  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
More FEATURES