“Fardaha Ka Degimayne Geela Duub.”!! W/Q Muniir Axmed Cigaal
Gebo Gebo News

October 6th, 2020
“Fardaha Ka Degimayne Geela Duub.”!! W/Q Muniir Axmed Cigaal

Shirkii Xisbiga Kulmiye ee Hargaysa lagu soo gebo gabeeyay wuxuu u muuqday amma uu aha madal aroos, marki xeerkii Xisbiga u yaalay iyo kii dimuquraadiga ahaaba layska laabay. Waxaynu haddaba ku mataalayna hanaankii shirka Xisbiga Kulmiye loo afduubay Sheeko dhaqankeeni Miyiga.

Soomaalidu Geela oo ay Xoolaha nool ugu jecelyihiin wakhtiyadi hore way kala dhici-jireen. Marka Geela lagu soo duulo raggu isku mid ma ahayn, ragga qaar way ku dagaalami jireen kadibna waxba kaga dhimanjiray iyana waxbay colka kala hadhi jireen amma waa lagu soo gaadhi jiray amma waa laga awood roonaan jiray oo kaldanbe ayay aarsan jireen. Ragga qaarna marka lagu soo duulo Geela ayay qaylo dhaan dhawaaqi jireen oo odhan jireen “Waar Geeli la dhacyeey”..

Waxa jira qaar aan labada midna ahayn oo marka Geela la dhacaayo iyagana lagu darsan jiray, waxaanay Ciidanka Geela dhacaya odhan jireen” Kama soo degayno Fardaha ee Geela duub” . Hadda waa Geeliisi la dhacaayay ayuu Ciidankii dhacaayay u duubaya . Ninkaasi siduu Geela u duubaayo Bawdyaha ayuu dhiigu ka daadan jiray, hadhawna marka uu Geela geeyo degaanki lagu waday ee Ciidanka dhacay ugu tallo galeen way iska soo dayn jireen isagoo Jilbaha dhiigu ka da’aayo. Intaasiba Shirkii Xisbiga Kulmiye ayay ka dhex muuqdeen ee sheeg hadaad garato.

TUSAN.
MUNIIR AXMED CIGAAL .
BIRMINGHAM..




Features

  • Radio Hargeysa iyo SNLTV oo aan weli si rasmi ah looga baahin dhaliilaha mucaaridka.
  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
More FEATURES