October 8th, 2020
Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) iyo guud ahaan bahda saxaafaddu waxay si wadda-jir ah baaq ugu soo jeedinayaan maxkamadda sare ee JSL in ay si deg-deg ah u guda-gasho dacwaddii uu ururku u gudbiyay maxkamadda 23 bishii August 2020 ee ay ku dalbanayeen in gebi-ahaanba la joojiyo dambiyaynta mihnadda Saxaafadda oo meesha laga saaro Xeerka ciqaabta guud laguna bedelo shuruucda madaniga ah ee uu dhigayo Xeerka saxaafadda Somaliland ee 27/2004 iyo xeerka kale ee habka madaniga.
Maadaama, Somaliland ay tahay waddan dimuqraadi ah oo leh Xeerar iyo Dastuur ku qotoma Mihnada Saxaafadda, waxaan mar labbaad soo jeedinaynaa in warbaahinta loo maro nidaamka madaniga ah oo ay muddayso Dacwadaas.
Ururka SOLJA isaga oo tixgelinaya dhawrista xuquuqda xornimada aragtiyeed ee lagu xusay dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu u arkaa in Gafafka lagu galo mihnadda warbaahinta loo raaco xeerarka Madaniga ah, sida uu tilmaamayo Xeerka Saxaafadda Somaliland.

Wabilaahi Tawfiiq
Maxamuud Cabdi Jaamac
Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA