Muuse Biixi oo Soo -dhawayn Lagaga Hortegayo “isla Goobtii uu Ka Celiyey Ugaas DOODI,Iyo Dareenada Ku Xeeran
Gebo Gebo News

October 10th, 2020
Muuse Biixi oo Soo -dhawayn Lagaga Hortegayo “isla Goobtii uu Ka Celiyey Ugaas DOODI,Iyo Dareenada Ku Xeeran

Muddo bil ah baa laga joogaa maalintii Ugaaska Guud ee Beelaha Gadabuursi Ugaas Cabdirashiid Ugaas Dooddi loo diiday inuu
Gadabuursiga Somaliland booqdo, islamarkaana loo adeegsaday rasaas iyo ciidanka qaranka oo isku dayay inay toogtaan balse ay ciidamada Ethiopia badbaadiyeen.

Muddo bil ah ayaa laga joogaa wakhtigii uu madaxwaynihii hore ee Somaali land mudane Daahir Rayaale Kaahin ugu baaqay Madaxwayne
Muuse Biixi inuu raalligalin ka bixiyo weerarkii iyo bahdilaaddii ugaaska Gadabuursi. Haseyeeshee Muuse waxba kamuu soo qaadin baaqii
Rayaale. Taa baddelkeeda waxa uu usoo diray nin kaari ka ahaan jiray suuqa gawaadhida Hargaysa oo si darbi jiifnimo ah u aflagaadeeyay
madaxwayne Rayaale.

Qiyaas ahaan labo bilood ayaa laga joogaa ku dhawaaqistii kacdoonkii Awood qaybsiga ee ka hirgalay gobollada galbeedka, iyaga qudhooda
dhegahaa laga furaystay oo iyada oo xildhibaannadoodii golayaasha Barlamaanka iyo Guurtida ka maqanyihiin ayaa la ansixiyay inaan loo
joojin doonin.

Weli taariikhda may dhicin in beel Soomaaliyeed loo diido Ugaaskooda, oo ay weliba beel kale oo la mid ahi u diiddo, iyaga oo arkayana ku hor
rasaasayso, waana waxa uu Madaxwayne Rayaale ku tilmaamay “dhacdo ugub ah” iyo “jid aan bannaanayn”.

Si kastaba ha ahaatee, Ugaas Rashiid waxa loo cuskaday celintiisa, digniin ay qoreen rag ay ka midyihiin Suleimaan Axmad Guuleed iyo
madaxwayne xigeenkii hore Cabdiraxmaan Aw Cali oo isla maalmihiiba kalyuhu fadhiisteen kadibna loola cararay dalka dibaddiisa. Ugaaska waxa lagu shaabbadeeyay inuu yahay argagixiso nabad diid ah oo qas iyo rabshad u socda’ laakiinse taasi marmarsiinyo u noqon mayso qof
Soomaali ah oo dhaqan yaqaan ah, dawlad iyo madaxna warkeeda reeb.
Iyada oo waxaasoo dhan la ogyahay, welina aan laga heshiin , ayaa waxa maanta Borama laga qabanqaabinayaa soo dhawayn ballaadhan oo loo
samayn doono Madaxwayne Muuse Biixi oo aan weli raalligelintii Rayaale ka dalbay bixin, tabashooyinkii reer Galbeedkana kaga jawaabay
xaqiraad iyo iska indho tir.

Madaxwayne Muuse waxa laga hayaa “Samaroontu way kibirtay waxba kama maqna, haddii ay iswaalaanna dalku ciidan buu leeyahay”, Taasoo
ka dhigan xasuuqaan u cusboonaysiin.

Gadabuursiga oo ah beesha qudha ee Soomaaliyeed ee aan makhaayadaha iyo goobaha furan ka xafiiltamin, loona yaqaan beel la
haysto ayaa muddo 30 sannadood ah ku hoos jirta taliska beesha Isaaq oo ku maamula siyaasaddii gumaysiga laga dhaxlay ee (Qaybi oo xukun).

Isku soo wada duuboo, booqashadan daandaansiga ah yaa ammaankeeda sugaya? Kumannaan dhallinyar ah oo Ugaaskoodii lagu
hor toogtay, kacdoonkoodiina la yasay, Haddii ay falcelin sameeyaan yaa
u babac dhigi kara?

Reer Awdal way ka ilbaxeen wasiirro loo soo diro oo yidhaahda jilibkeenna ayaa Hargaysa laga jecelyahaye an is muujinno, waxana la
sheegayaa in guux badan oo dhinaca dhallinyarta ahi jiro, lagana cabsi qabo in la carqaladeeyo booqashada madaxwayne Biixi oo wakhti
xasaasi ah ku soo beegmaysa.

———–Dhammaad———– 




Features

  • Radio Hargeysa iyo SNLTV oo aan weli si rasmi ah looga baahin dhaliilaha mucaaridka.
  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
More FEATURES