October 11th, 2020
Dabayaaqadii siddeetameeyadii ayaa ururkii SNM ismaqiiqii taariikhiga ahaa ku soo galay gobolladii Waqooyi (Somaliland).
Dagaalladdii qadhaadhaa ee SNM iyo ciidamadii Siyaad Barre dhex maray, waxa barbar socday baaqyo iyo shirar nabadeed ay beesha Isaaq beelihii kale ee reer Waqooyi u fidinaysay, oo markaa wadnaha farta ku hayey, maadaama oo aanay colaaddii SNM iyo nidaamkii Siyaad Barre ka eed la’ayn. Bilowgii 1990kii ayaa beesha Habarjeclo gogol nabadeed u dhigtay beesha Dhulbahante, oo ugu dambayn degaanka Gawlalaale isku hor fadhiistay bishii February.
Ergada Dhulbahante waxa hoggaaminayey Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac AHUN. Waxa kale oo ka mid ahaa, Maxamuud Saalax Fagadhe, Siciid Cali Giir, Sakhraan iyo rag kale. Natiijadii shirkii Gawlalaale ka soo baxday waxay suurtagelisay in ergadii Garaad Cabdiqani ay ka qayb gasho shirweynihii SNM ee Balligubadle ka dhacay. 1991kiina ay beesha Harti ka qayb noqoto shirkii aaya-ka-tashiga beelaha Waqooyi ee Burco, kaas oo goonni-isu-taagga Somaliland lagaga dhawaaqay. Ugu dambayn Cigaal ayaa dayriyey Garaad Cabdiqani oo ku daba jiray heshiisyadii SNM iyo Dhulbahante dhex maray. “Dhulka reerkiinna soo calaamadso waan kuu jarayaaye” waa kii ku odhan jiray. Garaad Cabdiqani na, waa kii sidii Somaliland kaga dhaqaaqay.
Sii socdkiisii Garaadku waxa uu Burco kula sii shiray qaar ka mid ah waxgaradkii Habarjeclo, oo uu uga warramay wixii uu Ina Cigaal kala kulmay. “Arrintaa haddaad imika wax ka qaban kartaan, waannu idin sugaynnaa, haddii kale waannu tagaynaaye yaan naloo kiin soo dirin” buu hadal ugu dhammeeyey. Dabcan, Habarjeclo markaa talo gacanta uguma jirin. Waxay se ballanqaadeen in ay gadaal wax ka sixi doonaan. Tan iyo maalintaa beesha Habarjeclo waxay mucaarid ku ahayd xukuumadihii Somaliland ka jiray, jeer sannadkii 2010kii Axmed Siilaanyo madaxweyne loo doortay. 2014kiina Cali Khaliif Galaydh AHUN ayaa urur Khaatumo la baxay aasaasay.
Xukuumaddii Axmed Siilaanyo waa tii gogosha nabadeed u fidisay. Ugu damabaynna 2017kii magaalada Caynaba waa kuwii heshiiskii baarlamaanka Somaliland ansixiyey ku kala saxeexday. Isla sannadkaas, Siilaanyo waxa beddelay Muuse Biixi. Fulinta heshiiskii Caynaba ayaa ka mid ahaa hawlaha ugu waaweyn ee Muuse hor yaallay.
Nasiibdarro se sidii uu ka yeelay waa tii la wada ogaa. Cali Khaliifna -Alle ha u naxariistee- isaga oo arrintaas quus ka jooga ayaa tii Alle u timi. Saddex sano oo Cali uu Hargeysa ka dhex garnaqsanayey, ugu dambayn sidii Garaad Cabdiqani ayuu godgalay isaga oo godobtiisa cid gaar ahi ay qabto. Waxa kale oo xusid mudan, in bilowgii 2018 madaxdhaqameedka Habarjeclo ay Muuse Biixi kulan la qaateen ay kaga codsanayeen in uu degdeg u fuliyo heshiiskii Khaatumo lala galay.
Waxa uu ugu jawaabay “Beeshaydu si kale ayey wax u aragtaa”! Waxa isweyddiin leh, Isaaqu markii Hargeysa iyo Burco ay soo galayeen beelaha kale waa u sinnaayeen e, maxaa 1991kii kaddib u soo kala dhaweeyey? Maxay Laascaanood iyo Boorama u kala xawaareeyeen? Gebiley maxay Habarawal iyo Gadabuursi nabadda ugu wada yaallaan, Qorilugud iyo Buuhoodlena faranta ka dhigay? Ina Biixi muxuu heshiiska Khaatumo saddexda sano ula meeraysanayey, isaga oo jabhaddii Cawaale hal maalin ku qarameeyey? Waxaan kaga baxayaa, Cali Khaliif AHUN isaga oo mayd ah baa Xamar la geeyey. Inteenna kale se innaga oo noolnool in la inoo daadgureeyo ayaan ka baqayaaba e, waxa iga talo ah, aan sii xisaabtanno inta aynnaan Ceelgaabtii faraha ku wada hadlin.