“Ma Laga Yaabaa Fadeexaddii Ugu Waynayd Ee Abid Soo Marta Somaliland In Ay Noqoto Heshiiska Lala Galay Shirkaddan???” Cali Guray
Gebo Gebo News

October 15th, 2020
“Ma Laga Yaabaa Fadeexaddii Ugu Waynayd Ee Abid Soo Marta Somaliland In Ay Noqoto Heshiiska Lala Galay Shirkaddan???” Cali Guray

Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa naqdiyay heshiiska ay xukuumadda la gashay shirkadda Trafigura.

Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal uu arrinta kaga hadlay oo ay Somalilandtoday ka soo xigatay barta uu ku leeyahay Facebook-ga waxa ku yidhi sida tan:

“Ma laga yaabaa fadeexaddii ugu waynayd ee abid soo marta Somaliland in ay noqoto heshiiska lala galay shirkaddan??? Marka laga eego dhinacyada sharciyadda heshiiska mugdiga iyo madmadowga ah ee lala galay, saamaynta shirkadaha waddaniga ah, Iyo ta ugu daran oo ah dacwadaha kaga socda Shirkaddan dalal badan oo dunida ah iyo taariikhdeeda madow ee shaqada qashinka nukeliyarka ee dalalka horumaray sharkado ka mid ah ay qandaraasyada ku siiyeen in ay meelo kale oo ka baxsan dalalkooda ay ku aasto? Sida fudud ee Wasiirka Ganacsigu uu isaga saxeexay ama la yidhi isaga saxiix iyo khilaafkii gudaha kulmiye gaar ahaan soo dedejinta bedelaadda Gudoomiye xigeenka 4aad wax xidhiidh ahi ma ka dhexeeyaa? Shirkaddu waxa la xaqiijiyay in sanad keliya lacagta ay laaluushka u bixisay ay gaadhayso 3, 000,000,000 ( sadex kun oo milyan ama 3bilyan) Somaliland lafteeda in kastoo aan la xaqiijin hadana wax aan badnayn ayaa la sheeg sheegayaa? Waxa loo baahan yahay oo waajib ku ah in xukuumaddu ay wax badan ka iftiimiso madmadowga ku jira heshiiska lala galay shirkaddan iyo danta ugu jirta Somaliland oo aan ahayn iska dheh ee run ah oo la taaban karo. Baarlamanka Somaliland ma laaluushka la sheegayo ayay wax ka soo gaadheen maxay wax uga sheegi waayeen heshiiska shirkaddan? Maye xisbiyadii mucaaridka sheeganayay? Maye ganacsatadii shidaalka ee waddaniga ahaa? Waa maxay bustahan qoyan ee lagu deday? Wax baa si ah oo wax wayn baa si ah.? Tan dadkeediina gaajo ha ugu dhex macaluulaan qoysasna milyan dheero malaydheero waxoodii ha ku noqdaan wax la qaadan karo maaha. Dalka miyaan la wada lahayn? Miyaan loo soo wada halgamin (Kii hore iyo kan dambeba)? Waa kee ka isagu keligii u soo halgamay ama nooga halgan badnaa ee xaq u leh wax aanan xaq u lahayn? Bal waa aniga i ha yidhaahdo. Waxa la doonayaa Somaliland la wada leeyahay, loo wada siman yahay oo la wada ilaashado




Features

  • Radio Hargeysa iyo SNLTV oo aan weli si rasmi ah looga baahin dhaliilaha mucaaridka.
  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
More FEATURES