Wasiir Axmed Shide Oo Sheegay In Dawladdu Ay Joojisay In Shirkada Ethiopian Airlines La’ Madaxbanaaneeyo
Gebo Gebo News

October 15th, 2020
Wasiir Axmed Shide Oo Sheegay In Dawladdu Ay Joojisay In Shirkada Ethiopian Airlines La’ Madaxbanaaneeyo

Dawladda Ethiopia ayaa ku dhawaaqday shalay inay joojisay in shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian laga madaxbanaaneeyo dawladda, taas oo ah shirkada ugu balaadhan qaarada.

Dawlada Ethiopia ayaa laba sano ka hor ku dhawaaqday in ay si buuxda ama qayb ahaan ay madaxbanaanaynayso laba shirkadood oo qaranka Ethiopia leedahay oo ay ku jiraan shirkadaha Ethiopia Telecom iyo Ethiopian Airlines.

Wasiirka Maaliyada Ethiopia Axmed Shide ayaa shir jaraa’id oo uu wariyeyaasha u qabtay maanta waxa uu ku sheegay in si fiican ay u socoto in shirkadda Isgaadhsiinta ee Ethiopian Telecom in dawlada laga madaxbanaaneeyo, isla markaana saddexda bilood ee soo socda ay noqon doonto shirkadd dawlada ka madaxbanaan (privatized).

Hase yeeshee Wasiirka Maaliyada Ethiopia waxa uu intaasi ku daray in dawladdu ay joojisay qorshe shirkadda Ethiopian Airlines dawladda lagaga madaxbanaanaynayey si ay ula tartanto suuqyada caalamka, inkasta oo cudurka COVID-19 uu si khatar ah u saameeyey dhaqaalihii aduunka.

Inkastoo cudurkaasi faafay ayaa waxa uu wasiirku sheegay in Ethiopian Airlines ay soo saartay dakhli sanadkii miisaaniyada Ethiopia ku kordhiyey 122.14 billion Birr oo u dhiganta (3.3 billion USD at current exchange rate) intii lagu gudo jiray miisaaniyadii Ethiopia ee July 7, 2020.




Features

  • Radio Hargeysa iyo SNLTV oo aan weli si rasmi ah looga baahin dhaliilaha mucaaridka.
  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
More FEATURES