Xoggo Laga Helay Kulan Ay Foodda Isku Dareen Madaxweyne Biixi Iyo Madax-dhaqameedka Awdal Oo Natiijo La’aan Ku Soo Dhammaaday
Gebo Gebo News

October 15th, 2020
Xoggo Laga Helay Kulan Ay Foodda Isku Dareen Madaxweyne Biixi Iyo Madax-dhaqameedka Awdal Oo Natiijo La’aan Ku Soo Dhammaaday

Hargeysa(Gebogebonews)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu Magaalada Boorama intii uu ku sugnaa uu kullamo la yeeshay Madax-dhaqameedka iyo Aqoonyahanka reer Awdal,waxaanu kale hadlay qadiyada doorashooyinka iyo arrinta tabashada saami-qaybsiga iyo arrimo kale.

 

 

Kullankan ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee uu Magaalada Boorama kula qaato Madaxweyne Biixi madax-dhaqameedka iyo aqoon-yahanka reer Awdal tan iyo wixii ka dambeeyey intii ay Maxkamadda Sarre ee Somaliland ay qaraarka ka soo saartay qaabka lagu gelayo doorashada Golaha Wakiilada Somaliland.

 

 

 

Madaxweyna Biixi iyo Odayaasha iyo aqoon-yahanka Awdal ayaa la sheegay inay kullamadoodu ay saacado qateen,waxaanu Madaxweynuhu ahaa inta badan mid dhegaysanaya tabashadooda iyo arrimaha ay u baahan yihiin inay Xukuumaddiisu ay wax kale qabato,isagoo wax baddan ka garaabay oo sheegay inuu sixi doona, isla markaana hawraarsan ku qaabilay arrimaha qaar.

 

 

 

Dhanka kalene kullankan ayaa waxa kale oo la sheegay in Madaxweyenaha iyo Odayaasha iyo Aqoonyahanka Awdal ay kaga wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta iyo arrinta muranku ka taagan yahay ee saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada,waxaanay u sheegeen inay dib iskugu noqonayaa talo,balse hadda aanay wax go’aan ka gaadhi karrin inay ka tanaasulayaan arrinka saami-qaybsiga Golaha Wakiilada oo ay doorashada ka dib u dhiganayaan qadiyaas iyo in kale.

 

 

 

Siyaasi Maxamed Abiibi oo kamid ah Siyaasiyiinta Gobolka Awdal oo war-baahinta la hadlayey ayaa sheegay in kullamada uu Madaxweyne Biixi la qaatay Odayaasha iyo aqoon-yahanka Awdal in aan wax natiijo ahi kasoo bixin waxaanu sheegay in xalka looga baahan yahay Madaxweynaha “ilaa inta aan ka war-qabo odayaasha wuu la kulmay aqoon-yahanka Gobolkana wuu la kulmay oo wuxuu kale hadlay doorashada waxay ku yidhaah-deen aqoonyahanku  waxaanu annagu ballan qaadi karraynaa ma jirto iyadoo ay reer Awdal isku tashadaan oo tallo dambe la soo saaro mooyee annagu wax-ba ma ballan qaadi karno.”Ayuu yidhi

 

 

 

Waxaanu intaas ku sii daray isagoo haddalkiisa sii wata “Odayaashuna waxay ku yidhaah-deen mawqif kayagu wuxuu ku dhan yahay baaqii aan soo saarnay maalintii annagoo isku dhan,Xildhibaanada ,Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Mawqif kayagu halkii ayuu taagan yahay adaa xal lagaa sugayaa Madaxweyne ayey ku yidhaah-deen.”Ayuu yidhi Maxamed Abiibi

 

 

 

Si kastaba ha-ahaatee kullankan Madaxweyne Biixi uu Boorama Kula yeeshay Odayaasha iyo aqoonyahanka reer Awdal ayaanay waxa natiijo ahi ka soo bixi ama aan wax is afgarad ah laga gaadhi arrimaha la isku maan dhaafsanaa ee Saami-qaybsiga kuraasta golaha Wakiilada,taas oo keenta in lagu kale kaco kulankaas.




Features

  • Radio Hargeysa iyo SNLTV oo aan weli si rasmi ah looga baahin dhaliilaha mucaaridka.
  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
More FEATURES