Midowga Yurub Oo Cunno-Qabateyn Uga Jawaabey Sumeyntii Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalka Ruushka
Gebo Gebo News

October 17th, 2020
Midowga Yurub Oo Cunno-Qabateyn Uga Jawaabey Sumeyntii Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalka Ruushka

Midowga Yurub waxa uu cunaqabateyn saaray lix muwaadin oo Ruush ah, oo dhammaantood xidhiidh la leh Aqalka Kremlin ee Ruushka looga taliyo, iyo Machadka Cilmi-baadhista Gobolka ee mas’uulka ka ah burburinta hubka kiimikada. Cunaqabateynta ayaa timid kadib markii la sumeeyay hogaamiyaha mucaaradka Ruushka Alexei Navalny.

Machadka cilmi baadhista waxaa looga shakisan yahay inuu soo saaray neerotoxin uu Navalny ku sumoobay.

Liiska waxaa ku jira madaxa waaxda amniga Ruushka ee FSB, Aleksandr Bortnikov, iyo laba wasiir ku xigeen gaashaandhigga – Alexei Krivoruchko iyo Pavel Popov. FSB waxaa hore loo odhan jiray KGB xiligii Midogw Sofiyeytiga.

Laba ka mid ah ragga aadka ugu dhow Putin, Ku-xigeenka Madaxa Shaqaalaha Sergei Kiriyenko iyo madaxa agaasimaha siyaasadda gudaha Putin Andrei Jarin, ayaa sidoo kale ku jira liiska cunaqabateynta la saarey.

Maaddaama Navalny la ilaalinaayey markii la sumeeyey, waxaa macquul ah in lagu soo qorshaha dilkiisa lagu gabagabeeyey in sunta la fulin karo oo keliya iyadoo lagaashanayo Laamaha Amniga Federaalka, Midowga Yurub oo qiil u samaynaya cunaqabateynta ayaa sidaas yidhi.

Kremlin-ka ayaa weli sii wada inuu diido ku lug lahaanshaha wuxuuna ugu yeedhay cunaqabateynta tilmaam aan saaxiibtinimo lahayn oo dhaawici doonta xidhiidhka ka dhexeeya Ruushka iyo EU. Mar sii horreysay, Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka Sergei Lavrov wuxuu ku hanjabay cunaqabateyn ka dhan ah Midowga Yurub in ay iyaguna soo rogayaan.

Kremlinku wali ma soo bandhigin wax cunaqabateyn la taaban karo ah, laakiin wuxuu sheegay in Moscow ay qiimeyneyso xaalada sida ugu wanaagsan uguna macquulsan uga jawaabi doonto.

Cunno qabateynta ayaa ka kooban, xanibaada hantida iyo safarada shakhsiyaadka lag tuhunsan yahay in ay lug ku leeyihiin sumeynta ninka mucaaradka ah.

Dowladda Ingiriiska ayaa ku jirta kuwa soo rogey cuna qabateynta iyada oo aan kamid ahayn 27-ka dal ee xubnaha ka ah EU-da.

Alexei Navalny weli wuxuu ku sugan yahay dalka Jarmalka, halkaas oo lagu daryeelay ka dib markii uu ku sumoobay sunta ah ee Novichok 20kii Agoosto, taas oo loogu daray biyo u yaaley qolka Hotel uu deganaa.




Features

  • Radio Hargeysa iyo SNLTV oo aan weli si rasmi ah looga baahin dhaliilaha mucaaridka.
  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
More FEATURES