Ilwad Elman Oo Ku Guulleysatay Abaal-marin Caalami Ah
Gebo Gebo News

October 20th, 2020
Ilwad Elman Oo Ku Guulleysatay Abaal-marin Caalami Ah

Ilwad Elman oo si weyn ugu ololeyso nabadda ayaa ku guuleysatay Abaal-marinta ugu sarreysa qaaradda Afrika ee sannadkan 2020-ka.

Ilwad oo ah gabadh Soomaali ah ayaa madax ka ah hay’ad loogu magac daray Aabbaheed oo la yidhaado Elman, taas oo u ololeysa ilaalinta xuquuqda Aadanaha.

Abaal-marinta ay ku guulleysatay Ilwad Elman oo ah mid aad u sarreysa ayaa waxaa bixineysa hay’adda caalamiga ah ee Jarmal-Afrika Foundation.

Sidoo kale Abaal-marintan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa la siiyaa shaqsiyaadka ugu fir-fircoon ee ku sugan dhammaan dalalka qaaradda Afrika.

Wasaaradda arrimaha dibadda Jarmalka oo iyadu maal-geliso ha’yadda Jarmal-Afrika Foundation ayaa sidoo kale shaacisay in Ilwad oo ah gabar dhalinyaro ah lagu sharfi doono dhammaadka bishan magaalada Berlin ee dalkaasi, si loo guddoonsiiyo billada.

Gabadha ku guuleystay Abaal-marintan ee Ilwad Elman oo guusheeda ka hadleysay ayaa tiri “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan aqoonsigan ka helay Jarmalka,”

Dadkii ku guuleystay billadan oo horey loo siiyey ayaa dhammaan waxa ay u ololeeyeen dimuqraadiyadda, nabadda, xuquuqda aadanaha, farshaxanka iyo dhaqanka.

Si kastaba ujeedada loo bixiyo Abaal-marintaani caalamiga ah ayaa ah in lagu muujiyo muuqaalka wanaagsan ee Afrika, waxaana bixinteeda ay soo bilaabatay tan & 1993-kii




Features

  • Diiwaan gelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Oo Saaka Ka bilaabmay Dalka Iyo Duruufaha Ku Xeeran
  • Soomaalida Itoobiya Iyaga Xaaladdoodu Waa Ninkii Hooyaday Guursadaba Waa Adeerkay W/Q Cabdiraxmaan Cadami
  • Dibadbax Lagaga soo Horjeedo Xayiraada Covid 19 Oo London ka Dhacayhttps://www.youtube.com/watch?v=xHe4t7PBmdg&feature=emb_title
  • TPLF Iyo Xukumadda Abiy Oo Somaliland Tusaale Ka Dhigtay
  • Dilaagii Muqdisho – Macallin Ilkacase Iyo Xubno Kale Oo Lagu Fuliyey Dil Toogasho
  • Maamulka iyo madaxda sare ee iskuulka orbit inretnational college ayaa xaflad u qabtay arday kaqalin jabisay
  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
More FEATURES