Taiwan Oo Maxkamad Soo Taageysa Nin U Dhashay Dalka Shiinaha Oo Dad Ku Dilay Xeebaha Soomaaliya
Gebo Gebo News

October 22nd, 2020
Taiwan Oo Maxkamad Soo Taageysa Nin U Dhashay Dalka Shiinaha Oo Dad Ku Dilay Xeebaha Soomaaliya

Taiwan(Gebogebonews)-Dowlada Taiwan ayaa maxkamada soo taageysa nin u dhashay dalka Shiinaha oo loo heysto dilka Soomaali lagu tuhmay inay ahaayeen budhcad-badeed.

Dilkan ayaa dhacay sannadkii 2012, xiligaasi oo la sheegay in Markab laga leeyahay Taiwan oo uu kabtan ka ahaa ninkan u dhashay Shiinaha ay rasaas ku fureen afar nin oo Soomaali ah oo watay dooni yar.

Kabtankan ayaa la sheegay inuu ku amray illaalada saarnaa Markabkiisa wax-jariifa inay rasaas ku furaan raggaasi Soomaalida ah kadib markii ay burburiyeen doonidii yareyd oo ay wateen afartaa nin ee Soomaalida ah.

Xeer ilaalinta Taiwan ayaa sheegtay in xogtan la ogaaday kadib markii filim laga duubay dhacdadan lagu shaaciyey Youtube, filimkan ayaa la sheegay in laga helay telefoonka gacanta ah oo lagaga dhextagay gaadhi Taxi ah.

Muuqaalkan ayaa laga maqlayey Kabtanka oo amar ku bixinaya in la dilo Soomaalidaasi oo markaasi badda dul-sabeenayey.

Naakhuudahan ayaa qirtay inuu amray dilka isagoo sheegay in raggan Soomaalida ah ay ahaayeen Budhcad-badeed isla markaana uu ka cabsi qabay in ay weerar kale kusoo qaadaan Markabkooda oo xiligaasi ka kaluumeysnayey xeebaha Soomaaliya.

Xeer ilaalinta Taiwan ayaa sheegtay in isagoo og raggaasi inayna is difaaci karin uu Kabtankan ku amray illaalada Markabka u saarnaa oo u dhashay dalka Pakistaan inay rasaas badan ku furaan afartaa qof ee u dhashay Soomaaliya.

Maraakiibta laga leeyahay dalalka Aasiya ayaa in muddo ah faro-ba’an ku haya xeebaha Soomaaliya, waxayna hore sidan dilal ugu geysteen kaluumeysato Soomaali ah, hase yeeshee inta badan ma dhacdo in maxkamad loo soo taago shisheeyahaasi falalkan ay ka geystaan xeebaha Soomaaliya.




Features

  • Diiwaan gelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Oo Saaka Ka bilaabmay Dalka Iyo Duruufaha Ku Xeeran
  • Soomaalida Itoobiya Iyaga Xaaladdoodu Waa Ninkii Hooyaday Guursadaba Waa Adeerkay W/Q Cabdiraxmaan Cadami
  • Dibadbax Lagaga soo Horjeedo Xayiraada Covid 19 Oo London ka Dhacayhttps://www.youtube.com/watch?v=xHe4t7PBmdg&feature=emb_title
  • TPLF Iyo Xukumadda Abiy Oo Somaliland Tusaale Ka Dhigtay
  • Dilaagii Muqdisho – Macallin Ilkacase Iyo Xubno Kale Oo Lagu Fuliyey Dil Toogasho
  • Maamulka iyo madaxda sare ee iskuulka orbit inretnational college ayaa xaflad u qabtay arday kaqalin jabisay
  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
More FEATURES