Waxa la naadiyay inay doorasho ka dhacayso dalka soomaaliya 7 sano oo Siyaad Barre is sharaxay inuu wadanka madaxweyne ka sii ahaado. Waxa shir naloogu qabtay barxadii dhismaha machadka, waxa naloo sheegay inay amar tahay inaanu soo codayno. Maamulihii machadka oo lagu naanaysi jiray Marcaan, ahaa oday guurti ah oo aad u furfuran, kasoo jeeday degaanada Puntland, ayaa si gaar ah noogu yeedhay anagoo ah dhawr iyo toban reer waqooyi ah.
Wuxuu noo sheegay “maadaama aad kasoo jeedaan degaanada ku abtirsada SNM, si gaar ah ayaa isha la idiinku hayaa, waa inaad tagtaan goobta codaynta” Ogow: In badani oo naga mid ah,inaan SNM iyo mucaaradnimo dareenkeedba jirin. Wuxuu raaciyay
Goobtana aan idiinka waramo waxa ka dhex socda.
Waxaad tegaysaan miiska laga qaadanayo warqadda codaynta. Markaad warqadda qaadataan, waxad gelaysaan qol danbe oo labo sanduuq yaalaan, mid ay ku qoran tahay HAA iyo mid ay ku qoran tahay MAYA.
Qolka waxa dhinaca ku haya qol kale oo madow, albaab danbe oo aad ka baxaysaana waa leeyahay, waxa qolka madow ku jira ma aragtaan idinku, laakiin cidda ku jirtaa iyadaa idin aragta. Haddii aad sanduuqa MAYA ku ridaan wixii idinku dhaca idinkaa isu gaystay.
Anagoo hadalka maamulaha maaweelo u haysana ayaanu goobtii codaynta nimi, mise wax waliba waa sawirkii maamuluhu nasoo siiyay, qolkii madoobaa ee qolka codaynta ku dhinac yaaley, ee waxa ku jira aan la arkayn. Maxaad yeeli lahayd? Intaan warqaddii labadii sanduuq dhex dhigay baan anigoo baalla daymoonaya albaabka kale ka baxay. Ogoow, haddii dadku dhamaantood MAYA ku ridaan, saamayn ay yeelanayaan ma jirto. “Doorashadu mar weeyaan,
nin la doortay baan ahay, sidii baan u doorrahay, dabadayna lama furo” Hadraawi
Ma ka suuro galaa Somaliland habdhaqankaasi? Shacabkaan ayaan jawaabta u dhaafayaa.
1. Qalinjebintii
2. kala soocii iyo kala takoorkii shaqaalaynta
3. Ka dhuyaalkii Xamar iyo u hilowgii halganka xoraynta
4. shaqo ka helidii warshadda sibidhka Berbera 1987 5. gudagalkii SNM ee dalka iyo tacadigii Berbera,
6. baxsadkii 13 Jun 1988 iyo lugayntii Guban iyo dhacdadii murugada badnayd ee Xagal iyo xasuuqii ka dhacay.
7. ku biiriddaydii jabhada iyo waayaheeda
8. Soo gelidii Burco January 1991 iyo xornimada
Lasoco……..