Wixii alle Qorey ayay ka qaateen Garoonka Balse Caqabada la deriska ah….? Faalo!
Gebo Gebo News

November 6th, 2020
Wixii alle Qorey ayay ka qaateen Garoonka Balse Caqabada la deriska ah….? Faalo!

Waa sanadkii ugu khilaafka yaraa marka loo eego sanadii udanbeeyay ee lasoo dhaafay oo khilaafkoodu sababi jiray xadhig iyo inlaga mamnuuca ciyaaraha qaar,
Bilowgii xulashadooda ee xulka gobolka Togdheer sanadkan waxa xooga la saaray in xal loo helo wixii lagu xaman jiray,   Xul isfahansan, isu niyadan oo hal kooxa ayay kaga ambaxbaxeen G.Togdheer, 
Waxay taasi rajo iyo yididiilo gelisay kumanaan Taageerayaala oo horey ucabudhsanaan jiray una soo  bandhigi jirin Taageeradooda, 
Siyaasiyiin, masuuliyiin xilal haya, Ganacsato iyo Jamaahiir badan ayaa si xad dhaafa badka ukeenay siday ula dhacsan yihiin Xulka G.Togdheer oo mida oo waliba ku hanaweyn inay koobka…!! 
Taladu may seegin haday taageeradooda soo bandhigeen laakiin ismay waydiin ciyaartoydani ma qaateen Tababarkii looga baahnaa,
Way ahaayeen ciyaartoy ninkastaaba kooxdiisa baarqab uyahay laakiin caqabadaha aan indhaha laga qarsan karin ayay kamid ahaayeen 
1. inaanay helin ciyaartoyda Burco, Goob ay ku tababartaan, 
2. waqti ku filan oo ay tababar ku haboon qaataan
3. Iyo masuuliyiin si joogta ah oo daacada isu barbar istaagta guud ahaanba  dhalinta ciyaaraha ee Gobolka Togdheer.
Dhanka dhaliisha wiilashana Taageeradii  iyo jacalkii loo qaaday waxay dhaxal siisay bunbuunin xad dhaafa oon xad lahayn taasi oo sababtay in imanada ciyaaraya ugacan gasho awood dheeraada oo aan tooda ahayn marmarka qaarna ay iyagu go,aamiyaan cida kusoo biiraysa ama diidaan go,amada lasiiyo qaarkood.
Si kasbata xaalku ha noqdee xulka Gobolka Togdheer sanadkan way dedaaleen waxayna soo bandhigeen intii awoodooda ah ciyaar xiiso leh oo soo jiidatay dadkii daawanayay labadii jeer ee ay ciyaareenba,
Walow waxii ka dhiman ee guul darada keenay ama tabayeen ay ahayd fariin ay direen ujeedadeeduna tahay in la buuxiyo  baahida ku gedaaman bahda ciyaaraha gobolka Togdheer oo u baahan in dawlad iyo shacaba wax laga qabto caqabadaha Taagan hadeer si ay markale uguulaystaan.
Qore: xabiib cige




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES