Abaal-marinta Nobel price Ma lagala noqon karaa qof hore loo siiyey?
Gebo Gebo News

November 18th, 2020
Abaal-marinta Nobel price Ma lagala noqon karaa qof hore loo siiyey?

Sida la og yahay abaalgudka Nobel oo ah abaal- marin sumcad way ku leh caalamka, waxay ka soo bilaabmatay geerigii maalqabeenkii saynisyahanka ahaa ee reer Sweden, Alfred Nobel , oo geeriyooday 1896 kii. Intii aanu dhiman wuxuu ku dardaarmay in xoolihiisa abaalgud laga siiyo cidii sanadkaa aduunka ku soo kordhisa shan waxyaabood oo kala ah : Caafimaadka, Fiisigiska, Kimistariga, Suugaanta iyo Nabadda.

 

 

Iyada oo la raacayo dardaarankaa ayaa 1901 kii waxaa la bixiyey abaalgudkii ugu horreeyey.

Hadaba qofka la siiyo ma lagala noqon karaa hadii uu jebiyo shuruudihii lagu siiyey?
Ma jirtaa cid iyadu iska diiday in ay qaadato, ama cid inta la siiyey iska soo celisay?

Hadaynu ku horrayno su’aasha koobaad, lama sheegin cid inta la siiyey abaalmarintaa hadana lagala noqday, waxase jira dad markii la siinayey loo arkayey in ay wax wanaagsan qabteen oo gadaal ka xumaaday. Dadkaas, gudida u xilsaaran go’aan ka gaadhista wax sharci ahi ugama yaalaan, laakiin waxaa jira dhaliilo gudida loo soo jeediyo oo ah in bixinta mararka qaar la siyaasadeeyo taasina ay qiimo tirayso abaalgudka Nobel prize ka.

 

 

 

 

 

Su’aasha labaad; waxaa jira ilaa lix qof oo inta gudidu isku raacday in la siiyo aan qaadan. Lixdaa afar ka mid ah waxaa u diiday dawladahoodii. Sadex waxay ka soo jeedeen Garmalkaoo waxay ahayd xiligii uu xukumayey Hitler ka kalena wuxahaa qoraagii Boris Pasternak wuxuuna ka soo jeeday dalkii Midawga Soofiyati. Sanadkii 1958 ayuu ku guulastay abaal marinta Nobel ee Suugaanta laakiin culays kaga yimi xaga dawladiisa ayuu u qaadan waayey hase yeeshee inankiisii ayaa u qaaday 1989kii. Afartaa qafba waxaa loogu diiday dawladahooda ayaa u arkay in reer galbeedku doonayaan in ay dad ku dhex beertaan.

 

 

 

Labada soo hadhay iyaga ayaa iskood u diiday waxaanay kala ahaayeen,:
1973 kii, ninkii nabada Vietnam doorka wayn ka qaatay ee Lu Duc Tho ayaa la go’aamiyey in isaga iyo Henry Kissinger ay ku wada guulayteen laakiin markii lagu dhawaaqay isla markiiba LU Doc wuu qaadacay isaga oo ku sababeeyey in aanay nabadii weli dhamaan. Diidmadaa Lu Doc waxay jiciir iyo weji gabax ku noqotay Henry Kissinger oo ahaa midka mid ah xoghayaashii arimaha debedda ugu magaca dheeraa ee Maraykanka soo mara oo isagu markiiba aqbalay laakiin markii danbe isna wuu ka noqday.

 

 

 

 

Su’aasha sadexasd; waxaa jira dad inta la siiyey abaalgudkaa hadana muddo ka dib iska soo celiyey. Christina Doctare oo ah Saynis- yahay iyo qoraa waxaa ay haysatay abaalgudka Nobel oo lagu siiyey kaalinta ay ka qaadatay nabad ilaalintii colaadihii ka dhacday dalkii la odhan jiray Yuguslaagiya. Laakiin waxay iska celisay markii sanadkii hore la siiyey nin qoraa ah oo reer Austria ah oo la yidhaahdo Mr Peter Handke. Ninka oo abaalmarinta lagu siiyey xaga suugaanta, wuxuu si cad u dafiray in wax xasuuqii uu ka dhacay Boosniya. Wuxuu si badheedh ah u taageeray ninkii denbiilaha ahaa ee xaquuqay dadka reer Bosnia ee Slovadan Malosavic. Christina waxay celinteeda ku sababaysay in ay ceeb iyo sharaf dhac ku tahay in ay ninkaa inkiraya xasuuqyadii ay goobjooga ka ahay ay Abaal-gud wada haystaan, waxaanay si rasmi ah ugu celisay meshii laga bisxiyeyn.

 

 

 

 

 

Dhaliilaha loo soo jeediyo bixinta abaalgudkaa.

Beryahay dabne qaabka loo bixiyo aad ayaa loo dhaliilaa oo waxaa inta badan lagu tilmaamaa in ajeedooyin siyaasadeed dadka qaar lagu siiyo ama Lagula degdego dad aan sidaa xilkas u ahayn, ama qaar la siiyo iyaga oo aan shaqoba qaban. Waxaa tusaale loo soo qaata Barak Obama oo la siiyey abaal marinta Nobel ee nabada 2009 isaya oo sagaal bilood xafiiska joogay. Dadka dhaliilayey waxay lahaayeen “waxay ahayd in la sugo inta uu wax qabanayo”.

 

 

 

 

 

Dhaliilaha kale ee ay leedahay waxaa ka mid ah, in aanay jirin hab lagala noqdo cid hore loo siiyey hadii ay galaan debiyo bini’aadamnida ka dhan ah. Taas hadii la samayn lahaa waxay ilaalin lahayd sumcadda abaalmarinta, dhinaca kale qofka la siiyey laftiisu wuu is ilaalin lahaa.

 

 

 

 

Tusaale ahaan gabadha Aung San Suu Kyi ee raysal wasaaraha ka ah dalka Myanmar waxay hore u haysatay Abaalmarinta Nobel prize. waxaa sid oo kale si wayn loogu tirinayaa foolxumooyinkii iyo xasuuqii lagula kacay dadka Rohingya ah ee dalkasi intii ay xafiiska joogtay. Gabadhaasi oo ka mid ah dadka aduunka ugu sumcaddda xun, waxay tusaale u tahay dhaliilaha dul hoganaya abaalmarinta Nobel Prize.

 

 

 

Sanadkii 2018 kii Baarlamaanka Kanada ayaa go’aan loo wada dhan yahay kagala noqday gabadhaa dhalasho shaafeed ay hore u siisay dawlada Kanada, kala noqoshadaa oo sabab looga dhigay tacadiyadii maamulkeedu uu u gaystay dadka Rohingaha ah.

 

 

Waxaa la filayey in gudida Nobel ay ka qaataan gabadhaa talaabadaa ay dalka Canada ka qaadatay laakiin weli waa danbiile hadana haysta abaalgudka aduunka ugu magaca wayn ee Nobel Prize.

Qore Ex Wasiir Cali Marreexaan.




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES