Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Digniin Kama Dambeys Ah U Diray Maamulka Gobolka Tigrey
Gebo Gebo News

November 18th, 2020
Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Digniin Kama Dambeys Ah U Diray Maamulka Gobolka Tigrey

Addis Ababa(Gebogebob News)-Raysal wasaaraha dalka Itoobiya ayaa sheegaya in howlgalka millatari ee ka dhanka ah gobolka Waqooyi ee Tigrey uu galay Wajigii ugu dambeeyay.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in saddexdii maalmod ee kama dambeysta ahayd ee loo qabtay xoogagga tigrey inay isku soo dhiibaan uu imika dhammaaday.

Dhanak kale dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in horumar ay ka sameysay dagaalka ka socda gobolka Tigrey, islamarkana ay ku sii jeedaan caasimada gobolka Tigrey ee, Mekelle.

Xoogagga Tigrey ayaa waxay dhankooda sheegeen inay ciidamada dowoladda iska caabiyeen magaalada lagu magacaabo, Alamata.

Boqollaal qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen muddadii labada toddobaad ahayd ee uu dagaalku socday.

Waxaa sidoo kale dagaalkan ku baarakacay ugu yaraan 27,000 qof.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in xaalad bina’aadanimo oo ballaadhan ay soo fool leedahay.

Waxaa aad u adag in warar sax ah laga helo gobolka Tigray maadaama khadadka taleefoonada iyo Internet-ka ay go’an yihiin.

Dagaalka ayaa bilaabmay 4 November ka dib markii ay dowladda dhexe sheegtay in xogagga Tigrey ay weerareen saldhig millatari, islamarkana ay ciidamada dowladda howlgalo bilaabeen.

Xisbiga TPLF ayaa u arka dowladda mid sharci-darro ah, iyaga oo ku dooday in Mr Abiy uu ka dhammaaday muddada xileedkii loogu tala galay ka dib markii uu dib u dhigay doorashada sababo la xidhiidha feyriska Corona.

Dagaalka ma soo afjarmayaa?
Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay, Mr Abiy waxaa uu ku sheegay in howlgalka ciidamada fedaraalka uu gabagabo ku dhaw yahay.

“Qeybihii ugu dambeeyay ee howlgalka ciidammada xoojinaya sharciga ayaa la soo afjari doonaa maalmaha soo socda,” ayuu yidhi rai’sul wasaaraha.

Waxaa uu u mahadceliyay dagaalyahanada TPLF ee ka faai’deystay fursadda waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay oo isa soo dhiibay, balse ma uusan sheegin tiradooda.

Mr Abiy ayaa intaa ku daray in dowladiisa “ay diyaar u tahay in dadka Itoobiyaanka ee dalka ka qaxaya ay qaabisho islamarkana ay dadkooda dib ula midoobaan”.

Dhanka kale, la taliyaha TPLF Fesseha Tessema, oo hore u ahaa dublamaasi ayaa BBC u sheeegay in ciidamada fedaraalka ay duqeeyeen goobaha dadka rayidka ah ee magaalada, Mekelle,.

“Dadka reer Tigrey wax qalad ah ma aysan sameyn Tigray, guriyahooda iyo kaniisadahooda ayay iska joogaan,” ayuu yidhi Mr Fesseha.

Dowladda fedaraalka ayaa beenisay inay bartilmaameedsatay dad rayida ah islamarkana duqeymaha lala bartilmaameedsaday xoogagga Tigrey.




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES