Wasaaradaha Maaliyadda Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Baanka Adduunka La Saxeexday Heshiis Kor Loogu Qaadayo Korontada.
Gebo Gebo News

November 18th, 2020
Wasaaradaha Maaliyadda Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Baanka Adduunka La Saxeexday Heshiis Kor Loogu Qaadayo Korontada.

Hargeysa(Gebogebonews)-Bangiga adduunka, ayaa  sheegay inuu ka caawinayo Somaliland iyo Somaliya marshuuc kor loogu qaadayo korontada, gaar ahaan ta la cusboonaysiin karo (renewable). Marshuucaas oo ay ku baxayso lacag dhan 150 Milyan oo Doolarka Maraykanka ah. Waxa maalgelinaya Bangiga Aduunka oo keliya.  

 

 

Marshuuca oo magaciisa la yidhahdo Marshuuca Dib-u-soo cellinta Waaxda Korontada Soomaalida (Somali Electricity Sector Recovery Project) waxa la gallay Bangiga Aduuunka, Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland iyo Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliya.

 

 

 

Sidoo kale waxa fullinaya Wasaaradaha Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland iyo Soomaaliya.  

Sida lagu sheegay Dhokumentiga Xogta Marshuuca oo uu daabacay Bangiga Aduunku, wuxuu si gaar ah marshuucu u bartilmaameedsan doonaa goobaha miyiga ah oo aan hadda si fiican laydhku u gaadhin.  

 

 

 

Ujeedada marshuucu waa “inuu kor u qaado hellitaanka adeegyada korontada,” sida lagu sheegay Dhokumentiga Bangiga Adduunka. Waxa intaas lagu daray in lagu sallayn doono qorshyaasha horumarineed ee kala gaarka ah ee ay kala leeyihiin Somaliland.

 

 

 

Magaalooyinka la qorsheeyey in marshuuco ka fulo waa Muqdisho, Hargeysa, Berbera, Boosaaso, Garoowe, Caabduwaaq, Baydhabo, Afgooye, Kismaayo, Boorama iyo Burco.

 

 

Waxa sidoo kale qayb ka mid ahi si gaar ah u bartilmaameedsanaysaa goobaha miyiga.  

Bangiga Adduunku wuxuu sheegay in hay’adaha fullinta u xil-saaran ee Somaliland iyo Soomaaliya ay awoodoodu aad u liidato. Sidaas darteed, waxa ka mid ah marshuuca in awoodooda la dhiso oo loo qabto shirkad la talineed.

 

 

Welli lama gaadhin xilligii marshuuca la fulin lahaa, waxaanu ku  jiraa wejiga diyaargarowga, waanu in marshuucu bilaabmo sanadka soo socda.  

 

 

Ma cadda qaabka ay uga wada shaqaynayaan Somaliland iyo Soomaaliya marshuuca. Mana jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay heshiiskan oo ay shacabkeeda u sheegtay.  

 

 

Sidoo kale waxa aan caddayn sida marshuucu ula jaan qaadi karo xaqiiqda ah in magaalooyinka Somaliland badankooda ay laydhka maamulaan shirkado gaar loo leeyahay oo macaash doon ah.  

 




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES