Senatoro Mareykan Ah Oo Ka Hortagaya Hub Laga Iibinayo Imaaraadka Carabta.
Gebo Gebo News

November 20th, 2020
Senatoro Mareykan Ah Oo Ka Hortagaya Hub Laga Iibinayo Imaaraadka Carabta.

Abu Dubai(Gebogebonews)-Saddex Senator oo Mareykan ah ayaa sheegay inay soo saari doonaan sharci isku dayaya inuu ka hortago dadaal uu maamulka madaxweyne Trump ugu iibinayo Imaaraadka Carabta hub ku kacaya 23 bilyan oo dollar.

 

 

Saddexda Senator oo kala ah, Bob Menendez iyo Chris Murphy oo Dimoqraadi ah iyo Rand Paul oo Jamhuuri ah, ayaa soo saari doona afar qaraar oo kala duwan oo lagu diidayo hubkan laga iibinayo Imaaraadka, oo isugu jira diyaaradaha drone-ka iyo kuwa F-35 iyo gantaallada lidka diyaaradaha.

 

 

 

Iibinta hubkan ayaa wax weyn ka beddeli kara miisaanka awoodda dalalka Bariga Dhexe, waxaana xubnaha Congress-ka ay ka walaacsan yihiin deg degta maamulka uu hubka ku iibinayo.

 

 

 

Qaar badan oo ka mid ah sharci dejiyayaasha ayaa sidoo kale ka walaacsan in Imaaraadka ay hubkan u adeegsan doonaan weeraro waxyeelo gaadhsiin doona shacabka Yemen, halkaasi oo dagaal sokeeyey uu ka socdo in ka abdan shan sanno.

 

 

 

Sharci-dejiyayaasha ayaa isku dayaya inay dib u dhigaan iibkan, ayada oo ay adag tahay inay joojiyaan, waxayna rumeysan yihiin in maamulka Joe Biden uu joojin doono marka uu talada dalka la wareego.




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES