Khasaaraha Itoobiya Ka Soo Gaadhay Qaabkii Loo Dhabar Jabiyay
Gebo Gebo News

November 21st, 2020
Khasaaraha Itoobiya Ka Soo Gaadhay Qaabkii Loo Dhabar Jabiyay

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Jiidda Hore ee Goobaha dagaalladii ugu dambeeyey ka dhacayaan waddanka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada Federaalka Itoobiya khasaare laxaad leh loogu gaystay iska hor imaadyadii ugu dambeeyey kadib markii ciidamada Itoobiya lagu sameeyey shirqool layaab leh oo warbaahintu illaa imika hadal hayso kaasi oo loogu gaystay khasaare dhimasho, dhaawac iyo maxaabiisba leh.

 

 

 

Subaxnimadii Khamiistii ayaa cutubyo ka tirsan ciidamada Dawladda Federaalka Itoobiya oo weerar baaxad leh ku qaaday ciidamada TPLF ee Maamulka Tigraay waxa ay la kulmeen khasaare aad u ballaadhan kaasi oo noqonaya kii ugu xumaa ee ay la kulmaan Ciidamada Dawladda Itoobiya tan iyo markii dagaalku qarxay laba wiig ka hor.

 

 

 

Sida ay ku warramayaan qaar ka mid ah warbaahinta gudaha Itoobiya, Ciidamada weerarka ahaa ee dawladda Itoobiya ayaa inta deegaamo ay ku sugnaayeen ciidamada TPLF looga baxay, lana miineeyey waxa lagu sameeyey weerar dhabar jabin ah oo saddex Jiho ah halka saldhigyadii Miinaysnaa ee ay galeen lagu qarxiyay halkaasi oo ay ka dhasheen khasaare laxaad leh oo dhimasho, dhaawac iyo maxaabiis laga qabqabtay ah. Ilo-wareedyo dagaalka u dhuun daloolaa waxa ay noo xaqiijiyeen in ku dhawaad Kun askari oo dawladda Itoobiya ah maxaabiis ahaan looga qabsaday halka dagaalkaasi lagaga laayay ciidamada dawladda ku dhawaad 700 oo askari dhaawucuna intaasi ka badnaa.

 

 

 

“Ciidanka Itoobiya waxa ay subaxnimadii hore ee Khamiistii weerar ku soo qaadeen saddex aag oo Tigraygu lahaayeen. Saldhigyadaasi goor hore oo habeennimo ah ayay ciidamada Tigraygu ka baxeen oo ay dhamaanba miineeyeen iyaga oo aan ka fogaan ayay saddex jiho weerar kaga soo qaadeen ciidankii Dawladda oo saldhigyadii miinada lagu xidhay lagu qarxiyay oo dhaawaca iyo maydadka guranaya halkaasi oo dagaal adag lagu soo qaaday kadibna khasaarahan baaxadda leh la gaadhsiiyay” sidaa waxa warbaahinta u sheegay Yuhannas Gabremaskel oo ka tirsanaan jiray ciidamada dawladda wakhtiganna ah sarkaal hawlgab ah.

 

 

 

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Tigraay ahna Guddoomiyaha Ururka TPLF Dr. Debretsion Gebremichael oo shalay warbaahinta maamulkiisa la hadlay isaga oo qoorta ku soo duubtay macawis uu ku sheegay in ay tahay kafankiisa ayaa sheegtay khasaaraha ay gaadhsiiyeen ciidamada Itoobiya sidoo kalena farriina u diray shacabka Tigray iyo guud ahaan waddanka Itoobiya waxaana hadalladiisii oo aan idiin soo turjunnay ka mid ahaa kuwan: “Waxaan ula dagaalami doonnaa sida ugu habboon ee aanu ku baabi’in karno. Waxa ay soo galeen dhul aanay garanayn maadaama ay ahaayeen ciidamo laga soo ururiyay deegaamo kale oo aan dhulkan u dhalan. Waxa aanu ciidanka Itoobiya ka dilnay Kun iyo shan Boqol oo askari. Waxaanan ka qabsannay laba Kun oo maxaabiis ah, dhaawaca ma tirin karno. Weerarka ay soo qaadayaan maalin walba waa ay ku jabayaan illaa hadda waanay kala firxanayaan intooda badani. Ciidanka Tigraay waxa ay yihiin kuwo difaacaya dhulkooda oo aan cidna weerar ku ahayn taasi ayaa ah sirta guusha illaa imika aanu dagaalka ka gaadhnay”. Ayuu yidhi Madaxweynaha deegaanka Tigraay oo macawis qoorta ku soo duubtay waxaanu yidhi isaga oo hadalkiisa sii wata: “Waxaanu bilaabaynaa weerarro dhinaca madaafiicda ah oo cusub oo aanu ku garaaci doono magaalooyinka Amxaarada iyo Ereteriya oo ah kuwa noo muujiyay cadaawadda weyn. Esayas Afawerk iyo ciidanka xisbiga barwaaqada ee fashiiste Abiy Axmed waxa aanu ula dagaalamaynaa si naf-hurnimo ah waxaanay ku qasbanaan doonaan in ay degdeg u jabaan. Waxa aanu samaynaynaa taariikh cusub oo tii hore la mid ah. Dadkeenu way dagaalamayaan illaa ay guusha helayaan. Kan soo duulay wuxuu bilaabay dilka iyo dadka aan waxba galabsan. Abiy waa Cadaw waanan aasi doonaa si kasta oo uu caawimaad uga helayo Isayas Afwerki” ayuu yidhi Madaxweynaha Maamulka Tigraay Dr. Debretsion Gebremichael oo shalay hadal dheer ka sii daayay warbaahinta Tigreega.

 

 

 

 

Dhinaca kale Dawladda Itoobiya ayaan iyadu wali wax faahfaahin ah ka bixin khasaarahan la sheegay in loo gaystay ciidamadooda dagaalka kula Jira Tigrayga waxaanay ku koobsadeen wararkii ugu dambeeyey oo ay ku sheegeen in Tigraygu weeraro madaafiic ah shalay oo Jimce ahayd ku qaadeen Magaalooyin dhawr ah oo ku yaalla deegaanka Amxaarada. Ciidamada dawladduna wali sii wadaan weerarkooda is daba joogga ah ee ay ku qaadayaan aagagga ay fadhiyaan ciidanka TPLF.




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES