Madaxweyanyaal Hore Oo Loo Xilsaaray Xal U Helida Dagaalada Itoobiya.
Gebo Gebo News

November 21st, 2020
Madaxweyanyaal Hore Oo Loo Xilsaaray Xal U Helida Dagaalada Itoobiya.

Addis Ababa(Gebogebonews)-Madaxweynaha Koofur Afrika Cyril Ramaphosa ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa Madaxweynayaal hore u xil saaray inay hoggaamiyaan dadaalada xal u helida dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Maamulka TPLF.

 

Saddex Madaxweynayaal hore oo kala ah Joaquim Chissano, Madaxweynihii hore Mozambique, Ellen Johnson-Sirleaf, Madaxweynihii hore Liberia iyo Kgalema Motlanthe, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika

 

 

War ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa lagu shaaciyay in shaqada saddexdan mas’uul ay tahay dhex dhexaadinta dhinacyada isku haya colaada Itoobiya.

 

 

 

Madaxweynaha Koofur Afrika ayaa u mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo aqbalay qorshahan, wuxuuna caddeeyay in wada shaqeynta dowladda Itoobiya ay fududeyn doonto shaqada wakiilada gaarka ah ee dhex dhexaadinta ka qeyb qaadanaya.

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa diidanaa wada hadal iyo dhex dhexaadin laga dhex sameeyo dowladda iyo TPLF, waxaana uu ku adkeysanayay dagaalka inuu sii wado, si uu u soo afjaro.

 

 

Kumanaan kun oo qof ayaa ku barakacay dagaalka waqooyiga Itoobiya, waxaana dadkaas ay gaadheen xuduuda dalka Suudaan, hey’adaha qaxootiga ayaa ka digaya inay korodho tirada qaxootiga ka qaxaya dagaalada.




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES