Wax-qabbadka iyo Horumarinta Badhasaabka Gobolka Hawd Eng. Axmed Cige Yare.
Gebo Gebo News

December 21st, 2020
Wax-qabbadka iyo Horumarinta Badhasaabka Gobolka Hawd Eng. Axmed Cige Yare.

Guddoomiyaha gobolka hawd Mudane Axmed Cige Maxamed “Axmed cige Yare” waxa uu xilka badhasaabka gobolka Hawd la wareegay 6-06-2020-kii waxanu xilkaasi hayaa mudo dhan Afar bilood iyo lix iyo toban cisho ah.

Muddadaas kooban waxa uu gobolka Hawd uu cagta saarray dhabbadii horumarka iyo hillaadinta horumar toggan oo ka taabo-galey Degmadda Baligubadle iyo guud ahaan Gobolka Hawd.

Guddoomiyaha cusub wax uu dar-dargaliyey hawlihii shaqo ee Gobolka Hawd oo ku dhaqaaqay xawaarre sare oo si wayn looga darreemay guud haan gobolka Hawd.

Masuulkan Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi usoo magacaabay gobolka waxa u u muuqdaa masuulkii ugu haboonaa ee uu baahidda u qabay gobolku, marka loo fiirsho xaladdaha iyo baahiyaha ku gadaaman Gobolka Hawd .

Guddoomiyaha gobolka ayaa wax-qabbadkisii ugu horreeyey ka sheegay xafladdii xil-wareejinta oo uu ka shaaciyay in isaga oo aan gobolka soo gaadhin uu madaxwayne biixi ka codsay in la dhiso guriga gobolka oo xilgaas dunsanaa waxayna ahayd talaabo degdeg oo muujisay kartidda iyo hawlkarnimadda guddoomiyaha cusub ee gobolka Hawd Mudane Axmed Cige Yare.

Maalintaas wixii ka danbeeyay wax u gucle iyo orod u galay oggaanshaha xaaladda guud ee gobolka Hawd.

Kulamaddi ugu horreeyay waxa uu la yeeshay laamaha dawaladda ee heer Gobol iyo Degmo sido kale waxaa u guddiyo u sameeyay xaafaddaha Baligubadle iyo degmooyinka kale ee gobolka si loo xoojiyo amaanka iyo horumarka gobolka.

Xalinta khilaafaadku waa qorshaha ugu wayn ee u yaala maamulka gobolka isla markaana ah “Mandate ka” ama shaqada ugu wayn ee Badhsaabka si loo sugo amaanka guud ee gobolka ,guddoomiyuhu waxa u xaliyay khilaaf u dhexeeyay maamulka Degmada Bali-cabbane iyo Bulshada degaankaas oo uu kusoo gabogabeeyay is faham .

Sida oo kale waxa uu ka shaqeeyay sidii ay “mag” ama diyo ula kala wareegi lahayeen beelo walaalo ah oo dhacdo dil ahi ay hore u kala gaadhay.

Arrimahaas aan soo sheegnay waa arrimo saamayn ku leh nabbad-galayda, sida awgeed xalinta khilafaadku waa adkaynta nabbad-galyada.

Waxa kale oo uu kulamo la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshadda sida Haweenka ,Dhalinyaradda,Cuqaasha iyo Wax-garradka Gobolka Hawd waxayna ahayd talaabo laga dhaxli-karro isku xidhnaanshaha is barasho iyo shaqo ee ka dhexaysa bulshadda iyo madaxda gobolka, si loo helo kalsooni iyo wadda shaqayn buuxda oo u dhaxaysa bulshadda iyo maamulka degmo ilaa heer gobol .

Intaas kadib waxa uu guddoomiyuhu safaro ku teggay degaamadda gobolka Hawd sida Gumburaha,Sayla, Gumar, Kaabada, Bali-cabbane iyo badi-ba degaamada gobolka Hawd taasi oo muujinaysay sida goddoomiyaha gobolka ay ugu qorshaysantahay sidii loo samayn lahaa maamul daadajin si ay adeeg hufan oo shaqo u helaan guud ahaan bulshada gobolku, mii’ ilaa magaalo,degmo ilaa tuulo oo ku dhisan arragti wax-qabbad iyo qorshe cad oo siyasaddeed.

Waxaa kale oo ay ahayd fursad xog-raadin iyo xogagaalnimo ah, wuxuuna u kuurgalay nolosha iyo marxaladdaha ay ku suganyihiin dad iyo xoolo ee la xidhiidha daaq iyo degsiimo.

Waxa kale oo uu badhsaabka gobolku kormeeray mashaariicda ka socotey gobolka gaar ahaan dhabadda isku xidha caasimida dalka ee Hargaysa iyo gobolka Hawd oo uu u balan-qaaday siddii uu u rumayn lahaa rajadda reer Hawd ee dhamaystirka wadada Baligubadle oo ah mashruuc ugu muddan uguna mihiimsan gobolka Hawd ,waxay tusaale wanaagsan u tahay in shaqsiga u helay gobolka Hawd uu yahay kii ugu mudnaa uguna fahamka badnaa baahida taala guud ahaan gobolka Hawd .

Waxa kale uu kormeeray mashruuca muhiimka ah ee “dhaam biyoodka” degaanka bali-case ee gobolka hawd oo rajo wanagsan uu ka muujiayey si looga baxo baahida biyo yarida gobolka.

Mudadaas afarta bilood ahaa waxa u dhagax dhigay dhismaha guriga gobolka oo burburay,dhismaha Wasaradda Waxbarshadda, Qaybta dumarka ee Xabsiga Baligubadle iyo dhismayaal lagu kordhiyay goobo waxbarasho oo kala duwan.

Marka loo fiirsho talaabooyinka wanaagsan ee uu qaaaday gudoomiyaha gobolka Hawd mudo ku siman 120 maalmood ama afar bilood waxay cadayn u tahay dadka gobolka Hawd inay heleen gudoomiyihii gobolka ku hoggaamin lahaa hurumar la taaban karo isla markaan hididiilo ku abuuray bulshada gobolka.

Dadka aqoonta dheer u leh gudoomiyaha gobolka Hawd. Axmed Cige Yare waxa lagu tilmaamaa nin karti baddan, hawl-kar ah oo firfircoon, sidoo kale shaqsi cibbaado badan oo cadaalad jecel oo aqoon badan u leh diinta, waa nin aan dadka kala xigsan bulshaduna u siman tahay mid yar iyo mid waynba waa shaqsi dhagaysta oo dhugasho u leh , waa nin dadka qanciya oo arragtiyaha misaama isla markaana aan kalitalis ahayn ee rog-roga taladda ,waxaa caddayn u ahayd maalintii u xilka la wareegay waxa hadalkiisa ku jiray weedho uu ugu duurxulay bulshada reer Hawd si ay ka muuqtay ildheerida arragtiyeed ee u dhex-ahaanshaha beellaha degga gobolka Hawd wuxu yidhi :- Anigu ma noqon doono nin ay ciddi dhegta wax ugu sheegto balse waxaan noqon donaa nin dhex u ah bulshada gobolka” waa hadal nuxurkiisa laga dheehan karo cadaaladda bulshada ee Gobolka Hawd si dhex ayaan ugu cadaalad falayaa balse cid gaar ah umma adeegi doono .

Marka aynu eegno khibrada shaqo ee Guddoomiyaha gobolka Axmed Cige Yare ayaa ah shaqsi aqoon fiican iyo khibrad balaadhan u leh fullinta mashruuciicda isaga oo hore shirkadiisu ay mashaariic uga fulinjiray gobaladda barig JSL, kuwo dawladdeed iyo kuwo madaxbanaan labbadaba. Waxaanu aqoon iyo xeeldheeri u leeyahay sida loo qorasheeyo loona maamulo qorashayaasha mashaaricda. Sidaa awgeed waa muhiim in ay gobolka Hawd mashariicda laga waddo ay midho dhalidonaan isla markaan ay helikaraan qorshayaal iyo farsamo wanaagsan.

Ugu danbayn waxaan ku boorinaynaa Aqoonyahanka, Qurbojoogta,Dhalinyarada, Haweenka,Siyaasiyiinta,Madax-dhaqmeedka,Waxgaradka iyo guud ahaan bulshada gobolka Hawd inay la shaqeyaan gudoomiyaha cusub islamarkaan barbar istagaan si ay ugu fududaato hirgalinta iyo yagleelidda hawlaha shaqo ee gobolka iyo qorahayaasha hal-abuur ee badhasaabka, waxaana haboon in la garab-istaago si gobolka u gaadho hurumar wayn isla markaana uu ula tartami lahaa goboladda kale Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaah mahad-leh.

W/Q.Mustafe Axmed Maxamed Geeddi

Gmail. Mustafea179@gmail.com




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES