Taliban Oo Digniin U Dirtay Dowladda Afghanistan
Gebo Gebo News

January 10th, 2021
Taliban Oo Digniin U Dirtay Dowladda Afghanistan

Kooxda Taliban ayaa ka digtay Sabtidii in go’aanka Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani uu xafiiska kusii joogayo inta ka dhiman muddo xileedkiisa uu dhaawacayo wada-hadallada nabadda ee lagaga xaajoonayo in lagu dhammeeyo dagaallada afartanka sano ka socda Afghanistan.

Digniinta Kooxda ayaa imaanaysa iyadoo wadahadallo cusub ay dalka Qatar kula yeesheen wakiillo ka socda dowladda Ghanni ee horumarinta ajandaha wadajirka ah kaas oo si rasmi ah loogu yaqaanno wadaxaajoodka Afghanistan.

Wadahadallada u dhexeeya labada dhinac ee Afghanistan ayaa u horseeday warbaahinta warar xan ah oo sheegaya in madaxweynaha Ashraf Ghani uu xilkiisa ka tanaasulayo islamarkaana uu ogolaanayo in la dhiso dowladda Ku-meel-gaadh ah si loo dardar galiyo geeddi socodka nabadda ee Afghansitan.

Laakiin madaxweynaha Afghanistan ayaa sheegay toddobaadkan in awoodda ku wareejinayo ciddii la doorto oo isaga si sharci ah u baddalaysa.

Ghanni oo dadka kula hadlayay meel fagaaraha oo ku taalla gobolka Nangarhar ayaa intaa ku daray in kursiga madaxnimada aanu isagu laheyn ee qaranka Afghansitan uu leeyahay.

Waxuu TV-ga CNN u sheegay in ujeedkiisa ugu weyn uu yahay inuu awood u yeesho in xukunka uu ku wareejiyo rabitaanka shacabka.
Kooxda Taliban ayaa ku adkeysatay in sii joogista xukun ee madaxweyne Ghanni ee ay dhibaato ku tahay waddada wadahadalka nabadda ee xalka loogu raadinayo in lagu soo afjaro dagaallada.

Taliban ayaa ku eedeysay in xukunka Ashraf Ghani uu dalkaasi dhaxalsiiyay faqri diif dhiig daadin iyo magac xumo.

Dhinaca kale dowladda Afghansitan ayaa iyaduna eedeysay kooxda Taliban




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES