Sababta Xilka Looga Qaaday Wasiir Hindi Oo La Ogaaday
Gebo Gebo News

January 11th, 2021
Sababta Xilka Looga Qaaday Wasiir Hindi Oo La Ogaaday

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa wareegto uu soo saaray oo summadeedu ahayd JSL/XM/XKQ/222/1-614/012021 xilkii ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Shaqada arrimaha Bulshada Hinda Jaamac Xirsi Gaani,taas oo xilkaas haysay muddo saddex-sanno iyo dharaaro ah.

Wasiir Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa xilka qaadistee markii ay soo baxday Bulshadu siyaabo kale duwan ay qoraalo kale gedisan ugaga falceliyeen qaar soo dhaweeyey oo Madaxweynaha ku boggaadiyey xilka qaadista ex Wasiirad Hinda, halka qaarna ay lahayeen Madaxweynuha muu u kaadiyo iyo may haboonayn in wakhtigan oo kale uu xilka ka qaado iyo wax lamid ah

Geesta kale Wasiiradda Hinda Gaani ayaa xoggo uu Wargeyska Foore helay waxay ku sababeeyeen xilka qaadisteeda inay ka dhalatay dhawr arrimood oo is barkan, kuwaas oo ay kamid yihiin is maandhaf iyo mad-madow soo kale dhex-galay iyada iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiiraddan oo ka gaabisay inay dadka deeganadeeda ku wacyigeliso is- diiwaangelinta codbixinta sida Wasiiradda kale ee la deegaanka ah ay ugu ban-baxeen inay ku wacyigeliyaan diiwaan-gelint Codbixiyayaasha bulshooyinka ku dhaqan Gobolladda Togdheer, Sanaag iyo Sool, iyo saamayn la’aanteeda la xidhiidha xubno badan oo deegaanada ay k asoo jeeddo ah oo xisbiyada Mucaaridka ku biiray.

Dhanka Kalena Wasiiradda Hinda Gaani ayaan ka dhex-muuqan muddooyinkii ugu dambeeyey Wasiiradda Beesha Bariga Burco oo socdaalo la xidhiidha arrimaha wacyigelinta diiwaangelinta Doorashada ku marayey degaanada Gobolladda Todgdheer Sanaag iyo Sool, kuwaas oo bulshada ay ka soo jeedaan ugu baaqayey inay is diiwaangeliyaan, haseyeeshe Wasiirad xilka laga qaaday ayaan marnaba lagu arag fagaarayaasha iyo deegaanka ay ka soo jeedo iyadoo ku waaninaysa inay qataan kaadhka codbixinta.

Waxa kale oo ay xogguhu xuseen in Wasiiradda xilka laga qaaday ee Hinda Jaamac Gaani ay shalay oo axad ah subixii xaadir ku ahayd Wasaaradda shaqadda iyo arrimaha Bulshada, halka uu gelinkii dambena xilkii ka qaaday Madaxweyne Muuse Biixi, marka laga yimaado xoggaah ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxtooyadda oo la xidhiidha sababihii xilka lagaga qaaday Wasiiraddaa.




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES