Aqalka Wakiillada Oo Maanta U Fadhiisanaya Xil- ka-qaadista Trump.
Gebo Gebo News

January 13th, 2021
Aqalka Wakiillada Oo Maanta U Fadhiisanaya Xil- ka-qaadista Trump.

Washington(Gebogebonews)-Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa lagu wadaa in Arbacada maanta ah ay ka doodaan xil-kaqaadista madaxweyne Donald Trump.

Xubnaha Aqalka Wakiillada oo ay aqlabiyaddiisu leeyihiin Dimoqraadiyiinta ayaa xil-kaxayuubinta Donald Trump u adeegsan doona qodobka ‘Hurin Rabshado’ kaddib marki Arbacadi hore ay taageerayaashiisa xoog ku galeen xarunta Koongareeska.

Rabshado ka dhashay ficilkaas ayaa waxaa ku dhinty shan qof oo uu ku jiray askari ka tirsanaa ciidanka ilaalada xarunta Koonagreeska ee Capitol Hill ee magaaladan Washington D.C.

Dhanka kale, saddex mudane oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay in ay taageersanyihiin in madaxweynaha Jamhuriga ah xilka laga qaado.

Mudanayaashan ayaa waxaa ugu caansan, haweeneyda la yidhaahdo Liz Cheney oo laga soo doorto gobolka Wyoming. Liz ayaa ah qofka saddexaad ee ugu darajada sareeya xildhibaannada Jamhuuriga u matala Aqalka Wakiillada.

Labada kale ayaa kala ah John Katko oo laga soo doorti New York iyo iyo Adam Kinzinger oo ah mudane laga soo doorto gobolka Illinois.

Mar uu shalay la hadlay wariyaasha, wax yar ka hor inta aanu u safrin gobolka Texsas, gaar ahaan dhinaca xadka Mexico si uu u booqdo darbiga halkaasi laga dhisayo, ayuu madaxweyne Trump diiday inuu qaato masuuliyadda wixi ka dhacay Aqalka Koomgareeska.

Trump ayaa haddii xilka laga qaado uu noqon doonaa, madaxweynihi ugu horreeyay taariikhda Mareykanka oo laba jeer xil-ka-xayuubin lagu sameeyo.




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES