Guddoomiye Cirro Oo Reer Awdal Uga Mahad Celiyey Taageerada Ay Isla Barbar Taageen Xisbiga WADDANI
Gebo Gebo News

February 19th, 2021
Guddoomiye Cirro Oo Reer Awdal Uga Mahad Celiyey Taageerada Ay Isla Barbar Taageen Xisbiga WADDANI

Hargeysa(Gebogebonews)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Musharraxa Madaxweyne Ku xigeen Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo masuuliyiin kale oo xisbiga ah ayaa ka qayb galay munaasibad ka qabsoontay magaalada Boorama oo lagu shaacinayay12 kamid ah Musharraxiin Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka uga tartamaya Xisbiga.

Guddoomiye Cirro oo halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Musharraxiin-taas, waxaanu sheegay inay yihiin Rag xul ah oo qaranka Somaliland taariikh weyn ku leh “ Anniaga iyo waftiga aan hoggaaminayo iyo madax-dii gobolka joogtayba waxa sharaf weyn u ah in aan hortiina idinlkaga guddoomo 12-kaa muddane  ee aad u soo sharax-deen Golaha Wakiillada  iyo golaha degaanka,raggaa aad u soo sharrax-deen golaha wakiillada iyo golaha degaankaba,waa labeentii gobolka ,waa rag qiimo leh  oo taariikhda Somaliland in badan oo kamid ahi ay ku suntan yihiin oo laga wadda garanayo gobolka Awdal iyo geyiga Somaliland oo dhan, “

Waxaanu Guddoomiye Cirro uu intaas ku daray “Waxaad soo bandhigteen runtii dadkii meteli lahaa gobolka haddii ay tahay caasimadda Boorame iyo haddii ay tahay heer Qaran-ba ,waxaynu u baahanay in aynu is garab taagno,si wanaagsan ula shaqayno  codkeena siino ,wakhti gaaban ayaan ka hadhay doorashadii in mudda’daa la dul qaato oo aad iyo aad loo shaqeeyo,waxa aan ku rajo weynahay raggaa aad u soo sharrax-deen golaha Wakiillada iyo golaha degaankaba insha allaahu inay guulaysan doonnaan.”ayuu sheegay

Dhanka kalene Guddoomiye Cirro ayaa uga mahad-naqay reer Awdal Taageerada ay la bar-bar taagan yihiin Xisbiga WADDANI “Waxa aan uga mahad-naqayaa gobolka Awdal iyo reer Boorama  taageeradii muga lahayd ee xiligii doorashadii Madaxtooyadda aad siiseen anniga iyo Xisbigaba , maantana waxa aad xaqiijiseen in aan taageeradaas hoos u dhicin  ee ay sii koradhay, aad ayaad u mahadsan tihiin,inta kuma eeka musharaxiinta aad soo bandhigaysaan,intan in leeg ama ka baddan beri “maanta” ayaa loo qaban doonna munaasabad oo kale ,waxa aan is leeyahay,waa la tartamayaa oo saddex-da Xisbi Qaran ayaa jira, lakiin haddii munaasabadda Berrina “ Maanta” raacdo ,waxa aan u malaynayaa inay labada Xisbi ee kale iska quusan doonnaan.”

Musharrixiinta isu soo taagay Golaha Wakiillada ee madaxda Xisbiga WADDANI s ka qayb gashay xafladdooda shaacinta ayaa kala ah

Mudane Maxamed Faarax Cabdi.

Mudane Mukhtaar X. Muxumed Faarax.

Mudane Idiris Xaashi Dharaar.

Mudane Cali Cige Mataan.

Mudane Daahir Maxamed Cawaale.

Mudane Cabdiqani Maxamed Aadan.

Prof Xasan Cumar Halas.

Golaha Deegaanka

Mudane Maxamed Aadan Suldaan.

Mudane Maxamed Ismaaciil Habane.

Mudane Yaasiin Maxamed Bulaale.

Mudane Xuseen Muuse Diixood.

Mudane Cabdirashiid Saleebaan Xuseen.




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES