Walaac Hadheeyay Musharraxiinta Xisbiyada Mucaaridka Iska Sharraxay Ee Ay Isku Deegaanka Yihiin Madaxweyne Biixi
Gebo Gebo News

February 19th, 2021
Walaac Hadheeyay Musharraxiinta Xisbiyada Mucaaridka Iska Sharraxay Ee Ay Isku Deegaanka Yihiin Madaxweyne Biixi

Hargeysa(Gebogebonews)-Tan iyo markii ay Xukuumaddu Xabsiga dhigtay labaddii Musharax ee Xisbiga UCID oo aan illaa hadda la hayn sababta xadhiggood, ayaa si weyn Cabsi iyo wal u soo food saaray Musharaxiinta Xisbiyadda Mucaaridka ka sharaxan ee ay isku deegaanka yihiin Madaxweynaha hadda talada dalka haya. Sida ay Wargeyska Foore u sheegeen qaar ka mid ah Taageerayaasha iyo Murashaxiintan Cabsidu soo waajahday, waxay si weyn uga wal wal qabaan in maruun lasoo hujuumo iyadoo loogu soo gabannayo ama loogu mar marsiinayo  shuruudaha laga doonayo Musharaxiinta ee dhinaca Hay’addaha Dawladda kaga xidhan gaar ahaan Garsoorka, waxaana si weyn qaar laga dareemayaa diyaar garaw xoog ah iyo iska caabin ay damacsan yihiin inay jawaab uga dhigaan haddiiba ay dhacdo in lasoo faro galiyo.

 

 

 

Musharaxiinta ugu cabsida iyo wal walka badan ayaa waxa ugu horeeya oo ka mid ah Musharaxiinta ay isku haybta yihiin Madaxweyne Biixi ee ay isku deegaanka kasoo jeedaan kuwaasi oo aaminsan in arimihii lagula kacay labadii Musharax ee dhigoodda ahaa ee Jeelka Mandheera loo dhaadhiciyay ay dhici karto in iyagana loola yimaado. Musharaxiinta wadnaha farta ku haya waxa ka mid ah kuwo Musharaxiin ay isku jilib yihiin ay ka sharaxan yihiin Xisbi Xaakimka Kulmiye kuwaasi oo cuqaasha iyo odayaasha beeshu taabacsan yihiin, islamarkaana kuwan kale u arka kuwo feedho jeex ah oo taladii beesha baal maray, waxaanay ka cabsi qabaan in awood dawladeed loo adeegsado.

 

 

 

Kulamo isdaba joog ah oo Musharaxiintani maalmihii u dambeeyay la yeelanayeen taageerayaashooda ayaa waxa ay ku baraarujinayeen inay heegan ahaadaaan islamarkaana ay la socdaan talaabooyinka socda ee lagu carqaladaynayo hankooda. Mid ka mid ah taageerayaasha ragga ugu awooda badan ee haddana cabsidu soo waajahday ayaa waxa uu Wargeyska Foore u sheegay in meesha ugu daran ee ay Xukuumaddu u istaagi kartaa ay ka mid tahay Shuruudaha Musharaxiinta kaga xidhan Xeer ilaalinta iyo Dambi baadhista, halkaasi ay sheegeen inay si dhaw ula socdaan waxa kasoo kordha.

 

 

 

Dhinaca kale Labadii Musharax ee Xisbiga UCID ee Jeelka Mandheera loo dhaadhiciyay ayaan war dambe laga hayn tan markii 14-cisho oo rumaan “Xabsi ku hayn” ah loo diray, waxaana si weyn loo hadal hayaa inay Maanta oo Khamiis ah ay ku egtahay gudbinta liiska musharaxiinta taasi noqonaysa in labadaasi Musharax ay sidaasi kaga hadhi karaan  Tartanka Doorashada hadaanay helin qorshe kale oo lagu maareeyo.




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES