Somaliland Oo Tartan Orodada Oo Caalami Ah Ka Qayb-Gelaysa.
Gebo Gebo News

February 20th, 2021
Somaliland Oo Tartan Orodada Oo Caalami Ah Ka Qayb-Gelaysa.

Jabuuti(Gebogebonews)-Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee Somaliland ayaa shaaciyey laba orodyahan oo Somaliland uga qayb geli doona tartan caalami ah oo lagu qaban doono dalka Jabouti.

Munaasibada lagu shaacinaayey orodyahanadan ayaa waxa kasoo qayb galay Agaasimaha waaxda Ciyaaraha ee wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland, guddoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland, Abaanduulaha Ciidamada Qaranka Somaliland, Hogaanka Ciidamada Qaranka Somaliland iyo masuuliyiin kale.Waxa ugu horeyn halkaas ka hadlay Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, waxaanu sheegay in ay tabobar adag siin doonaan ciyaartoyda ka qayb geli doonta tartanka ka dhici doona dalka Jabouti oo ay Somaliland ka qayb geli doonto.

Ciyaartoydan oo ka tirsan kooxda Ciidamada Qaranka ee Gaashaan ayaa lagu soo xushay tartan dhinaca orodada ah oo ka dhacay garoonka Hargeysa Stadium ee magaaladda Hargeysa, iyaga oo kaalmaha kowaad iyo labaad ka galay tartankaasi, waxa uu sidoo kale Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland sheegay in ciyaartoyga galay kaalinta saddexaadna uu noqon doono kaydka ciyaartoydan oo lagu bedeli doono haddii mid kamid ah ciyaartoydan uu wax la kulmo.

Waxa iyaguna goobtaas si wada jir ah uga hadlay hogaanka ciidamada Qaranka Somaliland iyo Abaanduulaha ciidamada Qaranka Somaliland, iyaga oo hambalyeeyey orodyahanadan ku ordaayey magaca ciidanka Qaranka Somaliland ee Gashaan ee ku guulaystay tartankaas, isla markaana Somaliland ku meteli doona tartanka Ciyaaraha orodada ee dalka Jabouti ka dhici doona.

Tartankan ciyaartoyda lagu soo xushay ee ka dhacay garoonka Hargeysa Stadium ayay ku kaalmaha hore ka galeen orodyahano ka socday kooxda Magaca ciidamada Qaranka Somaliland ku ciyaarta ee Gaashaan, kuwaas oo kala ahaa. 1: kaalinta kowaad waxa ku guulaystay Fu’aad Siciid Cali2: Kaalinta labaadna waxa ku guulaystay Xamse Haybe Aadan




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES