Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Oo Shaaciyay Wakhtiga La Qabanayo Shahaadooyinka Murrashaxiinta.
Gebo Gebo News

February 22nd, 2021
Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Oo Shaaciyay Wakhtiga La Qabanayo Shahaadooyinka Murrashaxiinta.

Hargeysa(Gebogebonews)-Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, ayaa shaaciyey in maalinta berri ee 23-ka bisha Febuary la bilaabayo qabashada shahaadooyinka iyo macluumadka dhinaca aqoonta ee looga baahan yahay Murrashaxiinta Golaha Wakiillada ee laga doonayo Shahaadada Dugsiga sare iyo weliba murrashaxiinta Degmooyinka B iyo C ah.

Daa’uud Axmed Faarax, oo shir jaraa’id ku qabtay, isaga oo ay weheliyaan Xubnaha Komishanka Tacliinta sare, ayaa sheegay in ay murrashaxiinta Golaha Wakiillada iyo kuwa degmooyinka B iyo C ah, ee shahaadooyinka laga doonayaa yihiin dugsiga sare in ay yimaadan Xafiiska Imtixaanaadka, si loo hubiyo shahaadooyinkooda.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadku waxa uu intaas ku daray in ay xil weyn iska sari doonaan sidii loo hubin lahaa aqoonta dadka murrashaxiinta ah, ee ummada xilka u qabanaya.

Guddoomiye Daa’uud, waxa uu ka dhawaajiyey in murrashaxiinta ay ka lumeen shahaadooyinku amma ka baxay dugsiyada sare dabayaaqadii siddeetamaadkii laga doonayo cadayso muujinaya in ay ka luntay amma dugsiga sare dhamaysteen, waxaanu xusay in ay xafiiskoodu samayn doono xeelado iyo waraysiyo uu arrintaasi ku hubinayo.

Sidoo kale waxa ay sheegi doonaan dugsigii ay dhigan jireen, ardaydii ay isku wakhtiga ahaayeen, macaliimiintii u dhig jirtay iyo maamulayaashoodii, taas oo uu sheegay in ay si cadaynta arrintaas loo ogaado heer la dhaariyo la samayn doono.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadku, waxa uu u digay murrashaxiinta isku daya in ay shahaadooyin Been abuur ah la yimaadaan Xafiiska Imtixaanaadka, isaga oo sheegay in aanay soo lugo’in murrashaxiinta aan haysan shahaadooyin sax ahi.




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES