Musharraxiin Beesha Madaxweyne Muuse Biixi Ee Xidhnaa Oo Xadhigga Loo sii Dheereeyay
Gebo Gebo News

February 22nd, 2021
Musharraxiin Beesha Madaxweyne Muuse Biixi Ee Xidhnaa Oo Xadhigga Loo sii Dheereeyay

Hargeysa(Gebogebonews)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa sheegay in muddada ay xidhnaanayaan loo kordhiyey Laba Musharrax oo xisbigaasi ka sharraxan, kuwaasi oo Xabsiga Mandheera loo Taxaabay 8-dii bishan February.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi oo Shalay la hadlay Telefiishanka HCTV, ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in Arbacadii la soo dhaafay Maxkamadda la horkeeno, balse iyagoon Garsoorka la horkeenin Xadhigga loo sii dheereeyay isla-markaana loo jaray 7 Maalmood oo kale.

Yuusuf Kayse oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Xadhigga Musharraxiintaasi wuxuu marayaa 12 Cisho, waxay ahayd in Arbacadii la keeno Garsoorka hortiisa, maaddaama oo ay u dhamaadeen 7 Maalmood ee Rumaanka ah ee Mandheera loogu diray, laakiin waxaanu ka war helnay inaan la keenin oo iyagoo Mandheera ku jira Muddada loo kordhiyey, arrintaasi wer-wer bay nagu keentay, waxaanu u aragnaa in Madax-banaanidii Garsoorka uu culays badani saaran yahay, sababtu waxa weeyaan marka qof masuul ahi uu Qof soo xidho, wuxuu xilku ku wareegaa Garsooraha oo amar Garsoore ayaa Qofka lagu xidhaa, Garsooruhu wuxuu xaq u leeyahay inuu muddo baadhiseed, Saddex Cisho ama 7 Cisho ah, laakiin waxaan aad iyo aad uga xumahay iyadoon Garsoorkii la soo marin oo aan la horkeenin, in haddana 7 Cisho oo kordhin ah loo sameeyo.”

Xoghayuhu wuxuu sheegay oo kale “Waxaad ka war haysaan in Waalidkoodii loo diiday oo ay Warbaahinta ka sheegeen in loo diiday inay arkaan.”ayuu yidhi.




Features

  • Maxamuud Xaashi Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxweyne Biixi, Kana Hadlay Hankiisa Musharaxnimada Guddoomiyenimada KULMIYE.
  • Daawo:Maayirka Burco Maxamed Muraad Oo Hoga Tusaaleeyey Sooyalka Taarikhed Ee Magalada Burco Naanayso Cusub-na Bixiyey.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES